Waxan ku riyooday mas oo meel galay oon gubay

Su’aasha:

Asc wll waxaan ku riyoodaa masas inta badan waan layaa lkn markasta midbaa iga fakada xalay waxan ku riyooday mas oo meel yar bir dhulka ku jirta galay oo madahaxa kasoo dheedinaya birta afka waxà uga xidhnaa caagadaha cabitanaka ee caaga ka samaysan oo labadag dhinac ka jaran markaa gaas baan ku shubay dabna waan qabadsiyaya maxay noqanee wll.

Waxan ku riyooday mas oo meel galay oon gubay
Waxan ku riyooday mas oo meel galay oon gubay

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inay jiraan dad xaasid ah oo cadow kugu ah laakin aad ka adkaanayso hal qof kuwaas ka mid ayaa ku wareerinaya oo waqti kaa qaadanaya si aad uga guulaysato laakin marka ugu dambaysa waad ka guulaysan doontaa, marka iska ilaali dadka labada weji leh oo dhaqankooda aadan u bogin oo xaasidka ah kajanka badan oo iska dhigaya dad adiga ku jecel laakin aan daacad ahayn.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More