Site icon Daruur درور

Waxaan siigaystaa 7 jeer dhib intee la eg ay ii keeni kartaa

Su’aasha:

Dr maalin kaste waxaan siigaystaa 7 jeer dr hadii aan sifiican ucuno cuntada 3 wakhtiba tusaale Ahaan cuntadeena caadiga ah ee iska normal ka ah sida Bariiska iyo baastada iyo Quraacda subixii hadii aan intaa sifiican ucuno siigada wax may iyeelaysaa jidh ahaan dherer ahaan iyo Awood Ahaanba Mahadsanid dr.

Waxaan siigaystaa 7 jeer dhib intee la eg ay ii keeni kartaa
Waxaan siigaystaa 7 jeer dhib intee la eg ay ii keeni kartaa

Jawaabta:

Cunto kaste haddaad cunayso xataa siigada dhib ayay kuu keenaysaa, hadaad naftaada jeceshay ma aadan siigaysan lahayn laakin maalin ayaad ka shallayn  doontaa siigada dhibka ay kuu geysan doonto, hadda waxaad dareemaysaa yaxyax iyo cabsi marka aad dadka la hadlayso waxaad u malaynaysaa dadka inay ku og yihiin inaad seegaysato, taas waxay kuu keenaysaa cudur nafsi ah aan kaa hari doonin, ma aha kaliya dhibka jirka kaaga imaan karo.

Waxaan ku leeyahay siigada iska jooji intaysan balwad sida daroogada oo kale kugu noqonin, waxaad arkaysaa raga qaar marka ay guurasadaan musqusha siigo ayay kula dhuuntaaan iyagoo naago xalaal ah qaba, ayay waddo xun xaaraan ah aadayaan.

Exit mobile version