Waxaan ku riyooday nin aan qoorta is galinayno

Su’aasha:

Asc , waxaan arkay nin sunnada ka muuqato oo qoorta isku dhunkaneena (mucaanaqah) ona garanayo.

Waxaan ku riyooday nin aan qoorta is galinayno
Waxaan ku riyooday nin aan qoorta is galinayno

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa ninka aad ku riyootay oo aad qoorta is galinaysaan inaad yeelan doontaan xiriir fiican sidoo kale in aad isu dhowaan doontaan oo saaxibo aad noqon doontaan, riyada waa riyo wanaagsan.

Haddii ninkaas uu yahay qof dhab ahaan sunnada uga muuqato waa sida aan kuugu fasiray haddii riyada kaliya aay tahay sunnada ka muuqato riyada waxay tilmaamaysaa adiga inaad noqon doonto qof sunnada ku dadaalaya.

Waxaa fiican marka riyo aad soo qorayso inaad soo faahfaahiso qaabka ay tahay waxa aad aragtay iyo sida aad u aragtay adiga inta badan riyada aad soo dirayso ma faahfaahsan, taas waxay keenaysaa fasiraad guud in lagu siiyo illeen riyada marka ay duuduuban tahay macne guud ayay yeelanaysaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More