Site icon Daruur درور

Waxaan ku riyooday ano masjidka jooga oo lacag la i siinayo

Su’aasha:

Asc gudomiye : waxan Ku riyooday anigoo joga Masajidka ee la bilaabay salàda Jimcaha waxan jogay Qeebta Weyso qaadka waxaan cabaayey Cabitaan Iron brew ah ee baraf leh e mesha Yaalay ee macaana wan dagdagsana oo Waxa already Laxurtay salàda waxan is iri suratul Fatixa way dhamaatay Suradi kale Ayana si dhamanrabto ee Ka gaar Wana Ka gaaray marki saladii Jimcaha laga Baxay dad badana ay joga oo is dhex marmaraayo waxan arkay laba nin oo dadka lacag u Qeebinaayo mid waxuu Bixinaaya R20 midna Waxu bixinaaya R150 wan Ka qaatay kii bixinwayay 20shilin lacagtu waa lacag warqad kii kale ee 150 bixinaayey waxuu isiiyey 100 meshi dadka Ka Siinaayay 150 kadib waxu aday Xagaa iyo Membarka Anna wan aadey Dhanka membarka Masajid kadib waxan dib u Siiyay ninkii lacagtii 100 ahayd waxan Ku iri dadka 150 bad sineysey ana 100 BAAD isiisay ee qado lacagtada kadib membarka dad baa fadhiyo jogay o fadhiyo ana wan Iska fadhistay.

Waxaan ku riyooday ano masjidka jooga oo lacag la i siinayo
Waxaan ku riyooday ano masjidka jooga oo lacag la i siinayo

Jawaabta:

Saaxiib riyada waa riyo fiican waxay tilmaamaysaa nolol aduun iyo nolol aakhiro, maalinta jimcaha iyo fariisashada masjidka la fariisto sidoo kale adoo cabbaya cabitaan macaan oo qabow waa khayr iyo barako aad heli doonto lacagta la qaybinayo oo 100-ka lagaa siiyay waa nambar tusaya guul iyo gargaar iyo gaaritaanka barwaaqada iyo xasiloonida, riyada waa riyo wanaagsan, waligaa ku dadaal weysada iyo salaadda inshaa Allaah arrimahaaga oo dhan way kuu hagaagayaan.

Exit mobile version