Site icon Daruur درور

Waswaaska gaalinimada keeni kara sidee loo reebaa

Su’aasha:

Wll rali ahada suala badan Ayan qaba wll muda sanad kahore ah aya waxa igudhacay waswaska xaga dhaharada saalada iyo istinjada Mudo Ayan sidas aha ila heer salad kastaba àan qabeysto dharka malinti toban jer àan iska badala igudambayn waxaan ogaday inu waswaska shaydanka yahay Wana ladagalamay Wana kaguuleystay lakin waxaan dhageystay malmihii macron lacnad hakudacde u nabiga scw cayay iyo soomali gala masixiyin ah inaan dhageystay suuala àad ubadan aya igufurmay Oo illahi iyo nabiga kusabsan tee illahi kusabsaneyd wan kaguuleystay lakin waxaa iguso dacay wax yala àad ubadan oo nabiga kusabsan afkeyga iyo gacanteydaba wan kala xishoonaya mararka qar inan kuhadlo Ayan kashakiya siiba waxay igubanyihiin marka nabiga lasohadal qado iyo salada àan kujira marka maxaan kaga guuleysan kara waswaska mala dihii kara mahadsanideen.

Waswaaska gaalinimada keeni kara sidee loo reebaa
Waswaaska gaalinimada keeni kara sidee loo reebaa

Jawaabta:

Waswaaska waa cudur halis ah qofka mararka qaarkooda diinta ayuu ka saarayaa, marka hore ka fogow meesha lagu caayayo aayaadka Alle iyo sunada rasuulkiisa diintana lagu aflagaadaynayo Alle wuxuu yiri:

(وَقَدْ نَزَّلَ عَلَيْكُمْ فِي الْكِتَابِ أَنْ إِذَا سَمِعْتُمْ آيَاتِ اللَّـهِ يُكْفَرُ بِهَا وَيُسْتَهْزَأُ بِهَا فَلَا تَقْعُدُوا مَعَهُمْ حَتَّىٰ يَخُوضُوا فِي حَدِيثٍ غَيْرِهِ ۚ إِنَّكُمْ إِذًا مِّثْلُهُمْ ۗ إِنَّ اللَّـهَ جَامِعُ الْمُنَافِقِينَ وَالْكَافِرِينَ فِي جَهَنَّمَ جَمِيعًا)

(wuxuuna idiin ku soo dejiyey korkiinna Kitaabka dhexdiisa haddaad maqashaan Aayaadka Eebe oo laga gaaloobi ama lagu jees jeesi ha fadhiisanina agtooda intay ka dhumbadaan hadal kale, waxaad noqonaysaan iyaga oo kale, Eebana wuxuu ku kulmin Munaafiqiinta iyo Gaalada Jahannamo dhammaan). rd

Teeda kale Alle ka magangal wax kaste waswaas ah oo la xiriira diinta, marka iska ilaali inaad sii raaraacdo, waxaa kugu filan inaad akhrisato quraanka.

Laakin marka aad sii raaraacdo waxaa kuu soo baxayo wax kale oo maskaxdaada aan soo gali karin aqoon ahaanna aadan u xallin karin, taas waxaa ka dhalan karta gaalnimo, inta badan dadka diinta ka baxo marka hore waswaas ayay kasoo bilaabaan waswaaska waa wax aad u xun.

Exit mobile version