Waa maxay xidiga dhaariq الطارق

Waa maxay xidiga dhaariq الطارق

Su’aasha:

Asc dr wan kusalamay waxan raba ina wax iga shegto xidiga quranka lagushegay wuxu yahay iyo samada u kuyalo magacisana wa الطارق

Waa maxay xidiga dhaariq الطارق
Waa maxay xidiga dhaariq الطارق

Jawaabta:

Wuxuu kusoo arooray xidiga Daariq quraanka kariimka Allana wuu ku dhaartay wuxuu yiri:

(وَالسَّمَاءِ وَالطَّارِقِ * ‏ وَمَا أَدْرَاكَ مَا الطَّارِقُ ‎ * ‏ النَّجْمُ الثَّاقِبُ)

(Eebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura  * Ma taqaan Xiddigga guura * Waa Xiddig ifa)

Xidiga Daariq la dhaho oo kusoo arooray suuradda Daariq culimada tafsiirka waxay ku fasireen inuu yahay guud ahaan xidig kaste habeenkii iftiima kalmadda طرق ayaa ah erey tilmaamaya guuridda habeenkii.
Taasna waxaa ku fasiray culimada waaweyn ee tafsiirka quraanka kariimka sida Dabari iyo Raazi iyo Baydaawi iyo Ibnu Kathiir, waxay sheegeen xidiga Daariq in laga wado xidig kaste oo iftiin badan oo habeenkii la arko.

Xidiga la sheego oo lagu magacaabo Nibiru ma aha Daariq sidoo kale arrinta laga sheego oo ah inuu xiriir la leeyahay aakhir samaanka oo uusoo daahiri doono  oo uu dhulka ku dhici doono dadkana halaagayo, wax daliil looma haayo arrintaas.

 

Maxay ka samaysan yihiin 7da samo iyo magacyadooda

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More