Waa maxay scholarship see loo codsan karaa waana imisa nooc

Su’aasha:

Aac dr alah kuxafido inta kadib waxa raba ina wax igashegto scholarship jamacadaha iyo wadamada ugu fican iyo qabka lotagayo iyo qababkay kalayihin mahadsanid.

Waa maxay scholarship see loo codsan karaa waana imisa nooc
Waa maxay scholarship see loo codsan karaa waana imisa nooc

Jawaabta:

Scholarship ama deeq waxbarashao ama  منحة دراسية  waa nidaam la yaqaano jaamacadaha caalamka oo dhan badankooda ay bixiyayaan, deeqda waxbarashada waxay u kala baxdaa noocyo badan waxaa ugu caansan labadan nooc.

Deeq waxbarasho dhamaystiran oo qofka la siinayo meel uu dego iyo lacag bil kaste biil ahaan loo siinayo iyo cuntadiisa loo diyaarinayo sida ay tahay jaamacadda al-azhar deeqaha ay bixiso.

Sidoo kale waxaad leedahay tikid aad ku tagayso iyo tikid aad kusoo laabanayso, jaamacadaha qaar sanad kaste tikid ayay qofka siiyaan oo uu dalkiisa uu kusoo booqanayo.

Waxaa kaloo jirta mid aan full ahayn taas inta badan qofka waxaa laga dhaafayaa qarashka waxbarashada, bilaash ayuu ku dhiganayaa jaamacadda ama iskuulka laakin cuntada iyo deegaanka isagaa iska bixinaya.

Jaamacadaha oo dhan badankooda way bixiyaan deeqda waxbarashada, sanad kaste waxay kusoo bandhigaan webkooda deeqaha ay hayaan iyo shuruudaha lagu helayo iyo heerarka waxbarasho undergraduate education  ilaa iyo PhD.

Webyadan ayaa ugu caansan oo laga raadin karo minxooyinka:

  1. Worldscholarshipforum.com

  2. Scholarships.com

  3. mastersportal.eu

  4. SallieMae.com

  5. chegg.com

 

Sidoo kale webyada jaamacadaha dunida oo dhan waad ka ogaan kartaa fursadaha waxbarashada.

Waxaa ka mid ah dowladaha aadka u bixiya minxada waxbarashada dowladda Turkey halkan ayaad kala socon kartaa minxooyinka ay soo bandhigaan.

www.turkiyeburslari.gov.tr

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More