Waa maxay scholarship see loo codsan karaa waana imisa nooc
Su’aasha:
Aac dr alah kuxafido inta kadib waxa raba ina wax igashegto scholarship jamacadaha iyo wadamada ugu fican iyo qabka lotagayo iyo qababkay kalayihin mahadsanid.

Jawaabta:
Scholarship ama deeq waxbarashao ama منحة دراسية waa nidaam la yaqaano jaamacadaha caalamka oo dhan badankooda ay bixiyayaan, deeqda waxbarashada waxay u kala baxdaa noocyo badan waxaa ugu caansan labadan nooc.
Deeq waxbarasho dhamaystiran oo qofka la siinayo meel uu dego iyo lacag bil kaste biil ahaan loo siinayo iyo cuntadiisa loo diyaarinayo sida ay tahay jaamacadda al-azhar deeqaha ay bixiso.
Sidoo kale waxaad leedahay tikid aad ku tagayso iyo tikid aad kusoo laabanayso, jaamacadaha qaar sanad kaste tikid ayay qofka siiyaan oo uu dalkiisa uu kusoo booqanayo.
Waxaa kaloo jirta mid aan full ahayn taas inta badan qofka waxaa laga dhaafayaa qarashka waxbarashada, bilaash ayuu ku dhiganayaa jaamacadda ama iskuulka laakin cuntada iyo deegaanka isagaa iska bixinaya.
Jaamacadaha oo dhan badankooda way bixiyaan deeqda waxbarashada, sanad kaste waxay kusoo bandhigaan webkooda deeqaha ay hayaan iyo shuruudaha lagu helayo iyo heerarka waxbarasho undergraduate education ilaa iyo PhD.
Webyadan ayaa ugu caansan oo laga raadin karo minxooyinka:
Sidoo kale webyada jaamacadaha dunida oo dhan waad ka ogaan kartaa fursadaha waxbarashada.
Waxaa ka mid ah dowladaha aadka u bixiya minxada waxbarashada dowladda Turkey halkan ayaad kala socon kartaa minxooyinka ay soo bandhigaan.
Scholarship is a system known to most universities around the world, scholarships come in many forms, the most common of which are these two.
A full scholarship that provides a person with a place to live and a monthly allowance and food, as is the case with al-Azhar University, which provides scholarships.
You also have a ticket to go and a return ticket, some universities give a ticket to the person every year to visit their country.
There is also an incomplete one, which is usually a person who is exempt from tuition fees, attends the university or school for free but pays for food and accommodation.
Most universities offer scholarships, and every year they present on their website the scholarships they have, the requirements for obtaining them, and the levels of education from undergraduate education to PhD.
These websites are the most popular and can be searched for in the following ways:
