Site icon Daruur درور

Turki ayaan aadi rabaa maxaad igula talinaysaan

Su’aasha:

Asc walaal ayaan taan waxaa I gashay hawo ah inaa turkeyga tago nolol macaan galo somalia dhibteeda iskaga tago lkn qof wax bartay maahi qof shaqeeyana ma ahi lacagta aan ku aadi lahaa xitaa meel aan ka keeno ma haayo hada waxaan ku noolahay garowe waxaan ku noolahay nolol qurux badan familykaaga la noo lahayd bisha Soo socotana waxaan la Ii helay shaqo fcn aan aqaano lkn hada Kuma qanacsani awal waa rabay Marka turkeyga inaa kunoolaado ayaa rabay lkn caqabado ayaa I hor yaalo turkeyga wuxuu rabaa in lagula biilo biilkaasna waa dhib Marka buufis Cml ayay Ii galaysaa maxaan sameeyaa mida aan ku waydiinayo waxay tahay Nolol fcn turkeyga ma ka helaayaa oo aan ku qanco wax macluu maad ah maka haysaa turkiga lacala turkeyga hadaa aaday somalia iyo turkeyga keebaa fcn walaal labada cimilo kawaran adiga walaal wax aad ka haysid macluu maad ah ila wadaag fikir kaagana waa Ii muhiim kolay waad I fahmaysaa aniga hubee

Turki ayaan aadi rabaa maxaad igula talinaysaan
Turki ayaan aadi rabaa maxaad igula talinaysaan

Jawaabta:

Turkiga iyo soomaali isku cimilo ma aha aad bay u kala dheer yihiin, teeda kale haddii uusan jirin qof ku biilayo maxaad u aadaysaa dal aadan ku nolaan karin adoo jooga meel aad ku noolaan karto, waxaad leedahay shaqo fiican ayaa laysoo helay, aniga waxaan kula talin lahaa shaqadaas gal lacag ka aruurso kaddib ku fikir inaad meel kale aaddo adoo is habeeyay ayaa fiican inaad safar dheer gasho, hadda marka aad tagto qurbo wax badan ayaa kugu soo furmaya siiba haddii aan lagaaga horaynin, marka shaqada aad heshay ku dheg teeda kale adduunka wuu isbadbadalaa xaaladda hal qaab ma ahaanayso.

Exit mobile version