Soonka nadarka ee kafaarada dhaarta ma laysku xiriiriyaa

Su’aasha:

Wax yar kahore ayan sual idin so waydiiyay majeclen inan idin dibo lakin wixii diinta kusaabsan wa ina laga jahil bixiya marka Soonka nadarka hadi aan qaldaneyn wa sidan
1. Qoor xureynteda
2.10miskin quduntooda
3.soon 3malmood ah marki hadi aan sedex maalmood aan awooda maxa yelY adoon malahan hada anigana arday ayan ahy waxaan dad kuqudiyo maheysto .
Marka sadaxda malin mala xaririnaya mise walakala jarjari kara yacni lazim miya xaririntoda

Soonka nadarka ee kafaarada dhaarta ma laysku xiriiriyaa
Soonka nadarka ee kafaarada dhaarta ma laysku xiriiriyaa

Jawaabta:

Walaal dhib ma laha su’aal waad soo weydiin kartaa oo aan ahayn su’aal horay looga jawaabay haddii su’aasha siyaado ay wadato waa laga jawaabayaa xataa haddii horay looga jawaabay.

Nadarka marka la awoodi waayo wuxuu isu rogayaa kafaarada dhaarta, waxa aad sheegtay waa kafaarada dhaarta oo Ilaahay uu ku sheegay Quraanka:

(لَا يُؤَاخِذُكُمُ اللَّهُ بِاللَّغْوِ فِي أَيْمَانِكُمْ وَلَٰكِن يُؤَاخِذُكُم بِمَا عَقَّدتُّمُ الْأَيْمَانَ ۖ فَكَفَّارَتُهُ إِطْعَامُ عَشَرَةِ مَسَاكِينَ مِنْ أَوْسَطِ مَا تُطْعِمُونَ أَهْلِيكُمْ أَوْ كِسْوَتُهُمْ أَوْ تَحْرِيرُ رَقَبَةٍ ۖ فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ ثَلَاثَةِ أَيَّامٍ ۚ ذَٰلِكَ كَفَّارَةُ أَيْمَانِكُمْ إِذَا حَلَفْتُمْ ۚ وَاحْفَظُوا أَيْمَانَكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ)

(Eebe Idiin ma Qabto Dhaar Danla’aaneed (Laqwi) Laakin wuxuu idiin qaban Dhartaad u Qasaddaan, Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Miskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya waxaad ku Quudisaan Ehelkiina ama Arrad Bixintooda ama Xorayn qoor, Ciddaan Helinna waxay Soomi Saddex Maalmood, Taasaana ah Kafaarada Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna Saasuuna idiinku Caddayn Eebe Aayadkiisa, waxaadna Mudan tihiin inaad ku Mahdisaan)

Marka soonka sedexda maalmood in laysku xiriiriyo iyo in la kala dhigdhigo culimada way isku khilaafeen waxaana xoog badan inaan laysku xiriirinin sida aayadda laga fahmayo gaar ahaan qiraa’ada xafs.

Marka sidaad doonto ayaad u soomi kartaa almuhim sedex maalmood ayaa lagaa rabaa inaad soonto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More