Soonka hadduu siigo igaga jabo wax ma cuni karaa

Soonka hadduu siigo igaga jabo wax ma cuni karaa

Su’aasha:

Asc sakay anigo aad dareenkayga ukacsanyahay ayan waxaan aad uka fikiray galmada iyo xasuus hore kadib deecan ayan yimid intaan so Faristay ayan guska afkiisa hore tatabtay ila aan kutalax tagay waxaan xasuustay inan soomanahay lakin dareenka ihayay owgee waan Iska waday ila aan biyo baxay soonku Maiga jabay maadama khilaaf kataganyahay ila siigada Soonka jibiso hadii aan qato mad-habka dahayo Soonka kumajabayo bal kawarama hadii uu Soonka jabay ma Iska cuuni kara cuunto.

Soonka hadduu siigo igaga jabo wax ma cuni karaa
Soonka hadduu siigo igaga jabo wax ma cuni karaa

Jawaabta:

Culimada say u badan yihiin waxay qabaan in siigada soonka ay jabiso haddii ninka uu ku biyabaxo, waana madaahibta afarta say qabaan, laakin mad’habka daahiriga siiba Ibnu Xazm wuxuu qabaa in siigada aysan jabinin soonka, waxay la mid tahay agtiisa qofka oo hargab ama xaako iska soo saaray, laakin waxaa xoog badan inay soonka jabiso.

Qofkii soonkiisa ku jabiyo seego ama istiin ilaa laga addimo wax ma cuni karo waxna ma cabbi karo soonkaasna waa soo qalaynayaa mana ansaxo, maxaayeelay wuxuu ku cayaaray xurmada soonka marka looma fasaxayo inuu wax cuno ama wax cabbo,  haddii daruuro daran ay keento mooyee, sida hadduu wax cabbi waayo ama wax cuni waayo oo dhib weyn soo gaarayo naftiisa, xaaladdaas waa daruuro.

يعتقد معظم العلماء أن الصيام يبطل إذا قذف الرجل ، كما في المذاهب الأربعة ، لكن عملية العادة يقول ابن حزم إن الصيام لا يفطر ، فهو مثل الشخص المصاب بنزلة برد أو طفح جلدي ، ولكن الأقوى أن يفطر.
من يفطر بصيام ، أو بالامتناع حتى يصوم ، لا يستطيع أن يأكل أو يشرب لأنه دمر قدسية الصوم ، عندما لا يجوز له أن يأكل أو يشرب ، إلا إذا كان سببه ضرورة شديدة ، كما لو كان لا ينبغي أن يشرب أو يأكل ، ويكون هناك عناء كبير لنفسه.

Ninka ma istiimin karaa xaaskiisa Soonka

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More