Siyaabaha ugu fiican oo loo dabargooyo gooryaanka caloosha

Siyaabaha ugu fiican oo loo dabargooyo gooryaanka caloosha

Su’aasha:

Asc aadban idin salaamay culimo
Bacda salaan
Waxan ahay nin 21 jira in ku dhaw 5 sano dhakhtar ma tagin sababo jira awgood
4ti sanno ee u dambeeyay jidhkayga wax isbedela muu samayn muuqal ahan iyo xajmi ahn ba inuu sii yarado moye wxan iskaga shikiyay inu gooryanka dadka nafaqada la qaybsada igu jiro
Marki ugu dambaysay een dhakhtar tgana waa laygu so sheegay gooryanka waxan ku waydin laha ma jiran wll waxyaabo dabiciya oo gooryanka ka xeeya ama dawo kiniin wax iga kexeeya uun waan is huba inan gooryan leeyahy kiniinaduna waxba iima taran wll
3cisho markaan sooyara naxo hadana mar qudha uunban sidaydi hore ku noqonaya jidhkaygu uu is cunaya uun
Teda kale qanjo xanuuna waan leeyahy iyagna qayb maka yihin dhibatadayda wll

Waan idinku dheereyay wlalayal hadalke raali ahada
Aad bad u mahadsantihiin

Siyaabaha ugu fiican oo loo dabargooyo gooryaanka
Siyaabaha ugu fiican oo loo dabargooyo gooryaanka caloosha

Jawaabta:

Gooryaanka kaalin weyn ayuu ka qaataa qofka inuu nafaqo daro ku rido, daawooyinka ama kaniiniyada gooryaanka raadso noocyo tayo leh adoo weydiinaya dhakhaatiir lagu kalsoon yahay, teeda kale si dabiici ah waa loola bixin karaa gooryaanka, biyaha basasha way u roon yihiin, inta aad keento basal jarjaran kaddib aad weel biyo naiif ku jiraan aad galiso muddo 12 saacadood kaddib aad malab ku darto subaxdii adoon wax cunin ayaad koob ka cabbaysaa, dhowr maalmood haddaad samayso natiijo fiican ayaad ka helaysaa inshaa Allaah.
Waxaa kaloo loo cabbi karaa sanjabiil kulul maalintii sedex jeer sidoo kale toonta iyadana way u roon tahay, sidoo kale qumbaha shiidan iyo caano laysku daray iyagana way u roon yihiin.
Waxaa kaloo guud ahaan lagaa rabaa inaad samayso si aad isaga ilaaliso badashada gooryaanka arrimahan soo socda:

  • Gacmaha ku dhaq biyo qandac ah iyo saabuun cuntada kahor.
  • Maalin kaste qubeyso dharka gudaha mar kaste baddal.
  • Ciddiyaha iska jar iskana nadiifi.
  • Ciddiyaha afkaaga haku jarin.
  • Iska ilaali inaad xoqdo wareegga dabada haddaad xogdana gacanta iska dhaq.
  • Go’a sariirta kuu saaran oo aad ku seexato biyo kulul ku dhaq.
  • Dhamaan iska hubi weelasha cuntada aad ku cunayso inay nadiif yihiin.

Gooryaanka waxa keena iyo daawada

Teeda ganjo xanuunka waxaa fiican inaad baarto sababka kuu keenay sababo badan ayaa keeni kara.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More