Site icon Daruur درور

Sixirka sidee lagu gartaa iyo qofka in la sixray

Sixirka sidee lagu gartaa iyo qofka in la sixray

Su’aasha:

Sixir qofka uu hayo calaamad gaar ah miyuu leeyahay oo lagu garan karo, dadka intooda badan waxay dhahaan hebel waa la sixray marka waxaan rabi lahaa inaad ii sheegtaan caalamada sixirka lagu garto hadday jiraa.

Sixirka sidee lagu gartaa iyo qofka in la sixray
Sixirka sidee lagu gartaa iyo qofka in la sixray

Jawaabta:

Sixirka waa wax jiro oo uu quraanka sheegay, shayaadiinaana sameeya iyo kuwa iga caabuda, sixirka madow oo ay yahuuda caan ku tahay waa la yaqaana

marka calaamad gaar ah hadda lagu garan karo oo toos ah ma jirto, kaliya waxaa lagu ogaan karaa qofka sixran xanuunadiisa sabab looma heli karo ama jahawareerkiisa, marka quraan lagu akhriyo waa la dareemi karaa inuu qofkan wax ay si ka yihiin.

si kastaba qofka marka lagu arko jirro aan sabab lahayn oo aanna ka baxaynin, ama jahawareer iyo xaalado aan la fahmin  waxaa la dhihi karaa waa laga yaabaa inuu qofkaas sixran yahay.

sixirka noocyo badan ayuu leeyahay, sixir waxaa jira waxbarashada galo mid guurka mid ganacsiga mid cunug laga sixrayo hooyadiisa ama aabbihiisa ama dadkiisa, ama xaaskiisa, sixir waxaa jira galmada reeba ama dhalmada.

marka haddii aad naftaada kaga shakiso sixir waxaa kugu habboon inaad quraan isku akhriso. aayadaha kusoo arooray sixirka waxaa ka mid ah:

(وَاتَّبَعُوا مَا تَتْلُو الشَّيَاطِينُ عَلَىٰ مُلْكِ سُلَيْمَانَ ۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيْمَانُ وَلَـٰكِنَّ الشَّيَاطِينَ كَفَرُوا يُعَلِّمُونَ النَّاسَ السِّحْرَ وَمَا أُنزِلَ عَلَى الْمَلَكَيْنِ بِبَابِلَ هَارُوتَ وَمَارُوتَ ۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنْ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَا إِنَّمَا نَحْنُ فِتْنَةٌ فَلَا تَكْفُرْ ۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنْهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِ بَيْنَ الْمَرْءِ وَزَوْجِهِ ۚ وَمَا هُم بِضَارِّينَ بِهِ مِنْ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّـهِ ۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنفَعُهُمْ ۚ وَلَقَدْ عَلِمُوا لَمَنِ اشْتَرَاهُ مَا لَهُ فِي الْآخِرَةِ مِنْ خَلَاقٍ ۚ وَلَبِئْسَ مَا شَرَوْا بِهِ أَنفُسَهُمْ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ) ﴿١٠٢﴾

(waxay raaceen gaaladii Yuhuuddu waxay Shayaadiintu Akhriyeysay waqtigii xukukii Nabi Suleyman, ma gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin Shayaadiinta ayaa Gaalowday, waxayna baraan dadka Sixirka, iyo wixii lagu soo dajiyey labadii Malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay Fidnee ha Gaaloobin, waxayna ka bartaan xagooda wax kalageeya Ninka iyo haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebe la’aantiis, waxayna bartaan dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan ayey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan Aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana baas leh Sixirkay Naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin).

wuxuu yiri Alle:

(فَلَمَّا أَلْقَوْا قَالَ مُوسَىٰ مَا جِئْتُم بِهِ السِّحْرُ ۖ إِنَّ اللَّـهَ سَيُبْطِلُهُ ۖ إِنَّ اللَّـهَ لَا يُصْلِحُ عَمَلَ الْمُفْسِدِينَ) ﴿٨١﴾

(markay tuureenna wuxuu yiri (Nabi) Muuse sixir baad la timaadeen Eebaana Burin, Eebana ma hagaajiyo camalka fasaadiyayaasha).

Sixirka Iyo Isha Iyo Jinka Farqiga U Dhexeeya

 

Calaamooyin sixirka lagu garto

Exit mobile version