Sixirka iyo isha iyo jinka farqiga u dhexeeya

Sixirka iyo isha iyo jinka farqiga u dhexeeya

Waxaa jira sixir iyo il iyo jin, waxaana u dhexeeya farqi weyn dhamaantooda, waxaan uga hadlaynaa mid kasta si kooban

Sixirka iyo isha iyo jinka farqiga u dhexeeya
Sixirka iyo isha iyo jinka farqiga u dhexeeya

Sixirka waa wax jiro oo ku soo arooray Quraanka kariimka, dadka sixirka sameeyo waxay adeegsadaan shayaadiinta si ay u gaaraan dantooda, sixirka intiisa badan wuxuu ku dhisan yahay gaalnimo cad, tusaale ahaan markaan soo qaadano kutubta sixirka qaarkooda waxaa ku qoran qofka rabo inay gabar jeclaato wuxuu keenayaa hilib markaas ayuu ku qorayaa ayaado gaar ah uu kitaabkas sheegay oo Quraanka kariimka ka mid ah iyo gabadha uu rabo magaceeda iyo magaca hooyadeeda, markaas ayuu u tuurayaa eey dheddig ah oo madooban, bal eeg gaalnimo ka weyn miyaa jirto in Quraan lagu qoro hilib dhiig leh marka eey nijaas ah loo tuuro, shaydaanka mar kasta wuxuu ka dalbaa ninka tafaafulaha ah ama sixiroolaha ah waxyaabo diinta looga baxo waxaa ka mid ah qofka sixirlowga Quraanka ayuu akhrIyaa isagoo qaawan ama wuxuu cabbayaa kaadidiisa, marka shaydaanka ayaa u adeegaya maadaama uu ka helay wixii uu faray, falka sixirka qofka ku dhaqaaqo gaalnimo ayuu lugta la galayaa siiba haddii uu yahay sida aan soo sheegnay taasna waxaa qaba culimada muslimiinta oo dhan, waxay sheegeen ninka saaxirka ah in la dilayo haddii lagu arko falka sixirka, waxaa jira sixirka lagu magacaabo sixirka madooban yuhuudda ayaa aad u adeegsan jiray.
Isha maxaa laga wadaa, dad waxaa jira qalbigooda aan nadiif ahayn, oo damca wax kasta Ilaahay addoomihiisa siiyo, markay tagaan guryaha dadka waxay eegayaa dadka waxa ay haystaan oo nimco ah, isagoon maa shaa Allaah oran ayuu si daran u fiirinayaa waxyaalaha dadka Alle siiyay oo khayar ah ama hanti ah, hadduu arko ilmaahaga wuu la yaabayaa wuxuu leeyahay waaba weynaaday cunugaaga war nasiib baad leedahay ilmo qurux badan ayaad dhashay, marka ishana waa wax jiro oo saamayn leh axaadiis ayaa ku soo aroortay nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa hahaatee- wuu ka magangali jiray isha ducadiisa waxaa ka mid ahayd

(أعوذ بكلمات الله التامة، من كل شيطان وهامة، ومن كل عين لامَّة)

(Alle ayaan kaga magangallayaa kalmadihiisa dhammaystiran shaydaan kasta iyo noole kasta iyo il kasta)

waxaa soo saaray Bukhaari

waxaad kaga badbaadi kartaa inaad laasimto waysada iyo ducada iyo Quraanka.

Jinka waxaa maxay, waxaa jira makhluuqaad oo annagu arkaynin oo haddana nala jooga koonka, iyaguna na arkayaan sidii uu Quraanka sheegay, qofkii Alle ugu talaggalo ayay wax ku sameeyaan, inta badan jinka wuxuu joogaa meelaha najaasada badan geedaha qaarkooda iyo duurka, axaadiista waxay sheegeen in lafaha ay cunaan sidaa awgeed rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- wuxuu naga reebay inaan ku istinjoono (kaadida ama saxara isaga nadiifino) lafaha, wuxuu yiri : ( waa cuntada walaalihiina jinka ah), jinka waxay isugu jiraan gaalo iyo muslimiin, sidoo kale qaarkooda marka ay gabadha ka helaan quruxdeeda waxaa laga yaabaa inay dhibaan, sidoo kale saaxirka wuu soo diri karaa jinniga si uu ugu dhibo qofka uu rabo, jini ayaa ku dhaco markaas, dumarka ama naagaha ayaa u badan sixrooleyaasha marka ay rabaan inay soo jiidaan gabdhaha sixir bay isticmaalaan, isticmaalka ugu dambeeyo awoodd ugu dambaysa ayay la soo baxaan,.

Waxaa jira astaamo lagu garanayo qofka la sixray ama isha ku dhacday ama jini hayo, waxaa ugu muhimsan jiro waxaa u imaanayso aan la fahmi karin ama daal caajis wahsi kacsi la’aan kedis ah hadduu naag qabo ma u yagi karo xaaskiisa
marka isha iyo jiniga iyo sixirka qofka Quraanka akhrisanaya siiba suuradda Albaqara iyo Alfalaq iyo annaas oo waysada laasima waa laga Ilaalinayaa

 

 

Magic is something that has come to the Qur’an, people who do magic use the devils to achieve their own interests, most of the magic is based on clear disbelief, for example when we take some magical books it is written who wants to love a girl brings meat and then writes a special verse in the qur’an in the Qur’an and the girl he wants her name and the name of her mother, Then he casts a black female dog to her. See, is there greater disbelief than to write a bloody flesh in the Qur’an when it is thrown at a unclean dog? Satan always demands from the man who is a magician or a sorcerer of things that are out of the religion. Among the sorcerers, he recites the Qur’an nakedly or drinks his urine. when the devil is serving as he has received what he commanded, the act of magic the person who moves in disbelief he goes into the leg with the remove if he is as we have said and that is the case with all Muslim scholars, they said the magician is killed if he is seen in the act of witchcraft, there is magic called black magic Judaism used to use a very much.
What is the source, there are people whose hearts are unclean, and who covet everything that Allah has given His servants, when they go to the houses of the people they look at what they have of grace, without the grace of Allah he looks hard at the things that Allah has given to the people of wealth or wealth, if he sees the child he is amazed at what he says has grown up and your child is very fortunate that you have given birth to a beautiful child, When the eye is there is something that affects his disability came to the Prophet – mercy and peace be upon him – he sought refuge in the eye his prayers included

(أعوذ بكلمات الله التامة، من كل شيطان وهامة، ومن كل عين لامَّة)

(I seek refuge in Allah in His full words from every devil, every living thing and every eye.
You can be saved from it by using it with prayer and prayer and the Quran.

What is the jinn, there are creatures that we do not see and yet they are with us in the cone, and they see us as the Koran says, whoever trusts in Allah they do something with it, most of the jinn are in the unclean places in some trees and in the field, the disabled say that the bones they eat so the Messenger – mercy and peace be upon him – has forbidden us to cleanse our bones ( urine or urine from him) He said: (It is the food of your brothers and sisters of demons), the demons are the same as the unbelievers and the Muslims, also some of them when they find the beauty of the girl they may harass them, also the wizard can send the demon to harass the person he wants, the demon falls on him then, women or women are more likely to be wizards when they want to attract the girls they use magic, The last use of power comes out with the last power,.

There are signs that know the person who is enchanted or has an eye or a demon, the most important thing is that it comes to him incomprehensible or tiredness. Suddenly, if he has a wife, he cannot be married to his wife.
When the eye and the jinn and the magic of the person who reads the Qur’an remove the chapters of Al-Aqsa and Alfalaq and Annas are protected from it.

 

Isha iyo jinka ma u keenaan qofka waswaas

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More