Sino ayaan galay xaaskayga ayaa ka ogaatay taleefanka ila taliya

Su’aasha:

A S C, anigu xaas qaba ayan danbi zina ah galay, sidaan zinada ugu dhacayina waxa sabab igu ahayid anigu waxan darawal gaadhi wada marka inta badan safar ban taga maalin malmaha kamid ah anigo safar ku maqan ayu dareen iqabtay marka gabadh iga heli jirtay ayan wacay hotel kan dagana ban ugu yeedhay kadib gabadhi ban la galmooday mida kale aniga iyo gabadha o qaawan ban mobilkayiga sawir ku galnay marka sawirki an wada gal’nay mobilkayiga ayan meel qarson ku save gareeyay lkn waxa iqabsaday xaaskayiga aya 3 cisho kahor mobilkayigi ka dhax aragtay sawirki waxay igu tidhi waxaa ad sameesay anigu wan sameen o nin kale markan la seexdo unbay niyadayidu hagaagi e maxaan sameeya ila taliya?.

Sino ayaan galay xaaskayga ayaa ka ogaatay taleefanka ila taliya
Sino ayaan galay xaaskayga ayaa ka ogaatay taleefanka ila taliya

Jawaabta:

Waxa aad gashay waa dembi aad u weyn waa sino sinada waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn oo naar lagu mutaysto oo towbad u baahan, waxaa kuu sii dheer adoo xaas qaba ayaad sinaysatay, waxaa kaloo aad samaysay arrin kale fool xun xumaantii ayaad duubtay ama sawirtay taasoo dambiga sii weynaynayso xaaskaaga maanta inay sidaa kugu dhahdo waxaa kuu keenay sinada aad duubtay oo ay aragtay taas waxay u fureysaa waddo xun,  shaydaan ayaa ka faa’idaysanaya haddii xaaskaaga ay si qarsoodi wax u samayn jirtay maanta kaddib makaa baqayso waxaa laga yaabaa inay fuliso gooddigaas ay kugu gooddisay, teeda kale fursad inay u aragtay ayaaba laga yaabaa oo ay sugaysay sheekadaas.

Arrintaan waxaad kaga bixi kartaa inaad towbad keento towbad dhab ah xaaskaagana aad u sheegto inaad ka towbad keentay iyadana inaad u sheegto inay ka fogaato dambiga ay gali rabto si ay kaaga guddo, mar dambe inaadan u noqonaynin sinada si aad iyada uga ilaaliso xumaanta waa qasab inaad u caddeyso xaqiiqada, iyo inaad soo celiso kalsoonida idin ka dhexaysay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More