Site icon Daruur درور

Siigada timaha iyo indhaha miyay dhib u keentaa

Su’aasha:

Asc waxan arkay in dhakhtariinta calamka ay sheegan inay siigata wax dhibaata ah uleheyn cafimadka bal ay sheegan inay cafimad tahay sida hurda raaxa leh in laga helo sido kale ay sheegan inay qurafad tahay in biya bax dagdag ah ay keento iyo timaha ay buuban indha la,aan waxas dhan inay been yihiin warkaas maxa kajiro.

Siigada timaha iyo indhaha miyay dhib u keentaa
Siigada timaha iyo indhaha miyay dhib u keentaa

Jawaabta:

Waxaad ogaataa marka hore biyaha in gacanta lagu keeno inay tahay arrin khilaafsan asalka raaxada, raaxada guud ahaan waxaa loogu talagalay ninka inuu naag xalaal ah u galmoodo sidaas biyaha ay uga yimaadaan ama iyada ay u raaxayso oo biyaha ay ka keento, marka qofka isaga iska keenaya wuxuu u baahanayaa maskaxda inuu ku sawirto naag qaawan ama jir naageed sida isaga uu ka helo asoo sidaas maskaxda ugu haya gacantiisana kaga shaqeynaya ayuu biyabaxaa, marka uu biyaha bixiyo wuxuu dareemaa yaxyax iyo xishood daran, taas marka mala dhihi karaa caafimaadka ayay u roon tahay?!!!,

Siigada uma fiicna jirka iyo nafta, qofka marka biyaha ay ku bataan huradada ayay kaga baxayaan mararka qaar riyo ayuu arkaa mararka qaarna riyo la’aan ayay kaga baxayaan.

Qofkii aad aragto oo siigada amaanaya waa qof aan dhabta fahansanayn dhakhaatiirta sidaas tiraahda kaliya maxaad warkooda u maqlaysaa kuwa kale oo qiranaya siigada inay dhibto raga iyo dumarka waa inaad warkooda akhrisaa.

Way jiraan waxyaalo khuraafaad ah oo been ah oo siigada dusha laga saaro sida timaha ayaa buubaya, laakin waxyaalaha qaar way jiraan sida biyabaxa degdega oo kale siigada ayaa sabab u noqon karta, indhaha daciifka noqda waa marka qofka uu yahay qof jirkiisa ay ka maqan yihiin vitamino badan oo siigada uu badsado, taas waa iska caddahay maxaayeelay biyaha ninka waxay wataan burutiin badan waa nafaqada jirka oo dhan.

Ninka waxaa ku filan dhibka siigada kaliya kan nafsiga, qofka siigeysta naftiisa ayuu nacaa feker kama dhamaado wuxuu yasaa jiritaankiisa, dadka inuu soo dhexgalo waa ka baqaa, wuxuu ku jiraa cadaab.

Exit mobile version