Site icon Daruur درور

Siigada qofka halista ay u keeni karto

Su’aasha:

Asc wll waxaan raba inan ku weydiyo waxan àad ugu dibanahay cadada xun ee siigada mudana waan waday hada bilihi u dambeyay waxaan bilabay dawashada aflanta xun xun iyo akhrinta qoraalada wasmada Oo dareenka kicinayo waxan marka isku aarkay anigo marki àan ubananka baxo indhaha àan labi Karin sido kale dumarka dabadooda àan ufirinayo xita walalahey u kacsanayo sawiranaya siilka dumarka mararka qar hal mar Hadi àan isha kudufta haweenan aya iga imanaya will arday ahna waan ahay.

Siigada qofka halista ay u keeni karto
Siigada qofka halista ay u keeni karto

Jawaabta:

Dambi dambi kale ka weyn ayuu kuu sii jiidaa ilaa aad diinta ka baxdo haddaadan ka joogsanin, illeen qofka marka uu sii raacraaco dambiga wuxuu ku ridaa marka ugu dambeysa arrin gaalnimo keenaysa.

Siigada ayaad ku bilowday kaddib waxaad u gudubtay inaad daawato filimada xunxun kaddib waxaad sheegaysaa walaashaada inaad u kacsanayso heer halis ayaad gaartay qofka ma og tahay walaashiisa xumaanta ku sameeya ama jirkeeda qaawan daawada meesha uu joogo xagga diinta?

Gabdhaha walaalahaada haddaad ku dhacdo waxaad istaahilaysaa cuquubo gaaraysa dil sida diinta islaamka ay qabto, qofka u taga hooyada ama walaasha ama eeddada ama habaryarta ama gabadha uu dhalay xukunkiisa wuxuu noqonayaa dil.

Kacsiga siigo lugama jabiyo siigada waxaa laga yaabaa inay kuu sii kordhiso qooqa iyo dareenka meel kale ayay kugu ridaysaa.

Daawadaada waa inaad ka towbadkeentaa dambiyada aad galayso oo dhan oo aad Alle ka baryisaa inuu kaa badbaadiyo xumaanta aad faraha kula jirto, intaad kacsi iyo raaxo aad raadinayso lugaha ayaad la gashay arrin aad u foolxun.

Salaadda iyo soonka badi quraanka akhriso ka fogow wax kaste kuu soo jiidaya xumaanta.

Teeda kale xataa mustaqbalka aduunka uma fiicna falalka aad ku jirto, marka aad guursato xataa naagtaada hadhow ma qancin kartid marka fursad fiican ayaad haysataa kasoo laabo falalkan aad ku jirto.

Exit mobile version