Sida loo adeegsado ereyada IN iyo ON iyo AT ee Afka English
Naxwaha afka ingiriiska waa sahlan yahay marka loo eego naxwaha afka carabiga.
Barashada naxwaha waa muhim qofka marka uu barto ereyo badan wuxuu u baahan in laysku xiro oo marka hadalka uu noqdo mid sax ah. Waxaa jira ereyo muhim ah afka ingariiska oo isku xiraya hadalka waxaa ka mid ah ereyada (IN, ON, AT)
Ereyga (IN) waxaa loo adeegsadaa watiyada dhaadheer tusaale ahaan:
In 2020 |
2020-kii |
In the summer |
xagaagii |
In February |
Febraayo |
Ereyga (ON) waxaa loo adeegsadaa maalmaha tusaale ahaan sida:
On Sunday |
axaddii |
On my birthday |
maalita dhalashadayda |
On Monday evening |
isniinta galabtii |
Ereyga (AT) waxaa loo adeegsadaa saacadaha waqtiga ay xaddidayaan tusaale ahaan:
At night |
habeenkii |
at 11: 30 |
11:30-kii |
At midnight |
habeenbarkii |
Ereyo waqtiga tilmaamaya oo ay fiican tahay in la xifdiyo:
English |
Somali |
second |
seken |
minute |
daqiiqad |
hour |
saacad |
day |
maalin |
week |
toddobaad |
year |
sanad |
decade |
toban sano |
century |
qarni |