Shukaansiga waxaa laga wadaa qofka naagta inuu u bandhigo rabitaan uu rabo iyada siiba marka uu ka rabo guur.
naagta la qabo waxay ka mid tahay naagaha la xarrimay in la guursado sida Ilaahay uu ku sheegay Suuratu annisaa wuxuu yiri Alle cazza wajalla mrkuu ka hadlayay dumarka uu xarrimay in la guursado :
وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ النِّسَاءِ إِلَّا مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ ۖ كِتَابَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ ۚ وَأُحِلَّ لَكُم مَّا وَرَاءَ ذَٰلِكُمْ أَن تَبْتَغُوا بِأَمْوَالِكُم مُّحْصِنِينَ غَيْرَ مُسَافِحِينَ ۚ فَمَا اسْتَمْتَعْتُم بِهِ مِنْهُنَّ فَآتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ فَرِيضَةً
wuxuu ku khatimay naagaha la qabo.
naagta la qabo kuuma bannaana inaad guur u bandhigto ama aad ku tiraahdo ninkaaga iska soo fur anaa ku guursanayo ama arrimo jacayl ah in aad kala hadasho.
xitaa waxaa la xarrimay naagta lasoo furay oo ciddada ku jirto in la shukaansado maxaad u malaynaysaa naag oo nin qabo.
