Labo wiil saaxiibo ahaa oo yaraantooda ila ay ka weynaadaan isla socon jiray oo aad isugu kalsoonaa ayaa isku dhacay waxaana sabab u ahayd gabar.
Wiil lagu magacaabo Deeq ayaa ahaa nin karti leh. wuxuu lahaa lacag. saaxiibkiisa oo lagu magacaabo Nuur ayaa la shaqeyn jiray.
Wiilka wuxuu ku lahaa Xamar shirkad weyn. Lacag badan ayaa soo gali jirtay.
Deeq wuxuu aad ugu kalsoonaa nuur.
Labadooda waxay ahaayeen dad aad isugu kalsoon.
Waxaas oo dhan waxaa baddali doonto gabar aad u xumayd oo lagu magacaabayay Fowsiyo.
Waxay ahayd gabar jaamacad dhigato oo sanka taagto.
Waxay is barteen nuur, waxay u muujisay jacayl. Laakin been ayay ka ahayd. waxay rabtay kaliya inay lacag ka qaadato mar walbo.
Nuur iyada aad buu u jeclaaday.

Sheeko wiil saaxiibkiisa 60 kun doolar ka xaday gabar ayaana ka dambeysay1
Sheeko wiil saaxiibkiisa 60 kun doolar ka xaday gabar ayaana ka dambeysay1

Nuur isaga wuxuu ahaa wiil deggan oo aan ka helin dhibaato. Laakin fowsiyo ma ahayn gabar deggan, waxay ahayd qof kadeed ah oo dhib badan.
Dhuuni ayay ahayd mana fiicnayn. laakin waxay nuur u muujin jirtay inay tahay naag wanaagsan.
Habeen walba nuur ayay u imaan jirtay makhaayad ayuu geyn jiray.
Wax badan ayay ka sheekaysan jireen. Iyada waxay xoogga saari jirtay shaqadiisa iyo lacagta uu leeyahay saaxiibkiisa.
Waxay ka ogaatay inuu lacag badan u hayo saaxiibkiisa Deeq.
Habeen iyagoo joogo makhaayad ayay ku tiri: maan mustaqbal samaysano oo aan ka tagno soomaali.
Wuxuu yiri qaabkee aan uga tagaynaa.
Waxay tiri lacagta aad u hayso deeq ayaan ku dhoofi karnaa.
Wuxuu yiri lacagta aan hayo waxaa iska leh saaxiibkayga igu kalsoon waa amaano. Adiga miyaad waalan tahay?
Hadalkaas markuu ku dhahay xoogaa gadaal ayay u baxday.
Illeen ma dhihi karto lacagtan aan qaadano.
Dhowr maalin kaddib ayay ku tiri. waxaan kuu hayaa fikrad. lacagta aad hayso ayaan ku dhoofeynaa. Markaaan yurub galno ayaan gudeynaa ka warran.
Wuxuu yiri saaxiibkayga sideen u khayaanaa.
Haddii sidaas aan sameeyo waa wax xun.
Waxay tiri dhib ma laha haddii aad gudayso waa caadi.
Wuxuu yiri: waan ka soo fikiraa arrintaas.
Nuur wuxuu u hayay saaxiibkiisa lacag kaash ah oo gaaraysa lixdan kun doolar ah.
Gabadha iyada waxaa u cad kaliya dhoofkaas, waxay bilowday leen inay soo raadiso, waxay soo heshay labo leen mid kaste wuxuu ahaa labaatan kun doolar.
Waxay u sheegtay nuur waxay tiri: leen ayaan noosoo helay oo aan ku gali karno yurub.
Leenkana waa dalka ingiriiska si toos ayaan u galaynaa.
Nuur markuu maqlay hadalkeeda wuu ku qancay.
Marka hore waxaan aadaynaa nairoobi. kaddib ayaan galaynaa yurub.
Habeenka safarka ay qorsheeyeen, ayay u timid nuur waxay u sheegtay inay diyaar tahay.
Nuur lacagta uu hayay ayuu dhigtay shirkad xawaalad markaas ayay soo baxeen.
Deeq subaxdii markuu soo kacay wuxuu wacay saaxiibkiisa Nuur.
Taleefanka maba shaqeynayo, wuxuu tagay gurigooda. Waxaa lagu yiri xalay masoo hooyan.
Deeq wuu yaabay !! wuxuu u qaatay in la afduubtay.
Afar maalmood kaddib waxaa la odaagay inuu dhoofay oo ay la socoto Fowsiyo.
Wuxuu raadiyay meel uu kala xiriiro mana helin.
Deeq aad buu u yaabay, wuxuu is yiri saaxiibkaa maxaa ku dhacay. mala sixray ?.
Bil kaddib Nuur wuxuu soo wacay saaxiibkiisa Deeq wuxuu ku yiri: saaxiibow waan kaa qaldamay. waxaan soo aaday safar anoon kuu sheegin. lacagtii aan kuu hayay ayaan rabaa inaan yurub ku galo. waxaana ila socoto fowsiyo.
Deeq marka sidaas u maqlay wuu is hayn waayay wuxuu ku yiri: tuug ayaad tahay oo wasakh ah. Waligay uma malaynin inaad sidaas igu samanayso.
Wuxuu yiri nuur lacagta deyn ayay igu tahay. waan kuu gudayaa.
Meesha ayuu taleefanka ku damiyay deeq asoo xanaaqsan.
Shan bilood kaddib Nuur iyo Fawsiyo waxay galeen yurub. gaar ahaan dalka yuu keey. magaalada London.
Fowsiyo markay lugta dhigay yurub islamarkii way is baddashay.
Waxay bilowday nuur inay yasto oo ay xiriirka ka gaabiso.
Waxay tiri: shaqo ayaan raadsanaa, qof kaste dantiisa inuu raadsado ayaa fiican. Meeshaan yurub ayaa la dhahaa soomaali ma joogno. abbaayo abbaayo way dhamaatay.
Nuur sidaas ayuu ku khasaaray, gabadhii uu naftiisa u huray oo saaxiibkiisa lacagta darteeda ugasoo xaday maanta bannaanka ayay ku tuurtay.
Maalin ayuu meel ku ballamiyay wuxuu yiri: lacagta aan saaxiibkayga kasoo qaaday waa inaad ila guuddaa labaatan iyo shan kun ayaa kugu baxday markaan ka reebo lacagaha aniga aan ku siin jiray.
Waxay tiri: ma anaa soo qaaday lacagtaas, qofkii soo qaaday ayaa laga rabaa inuu gudo.
Wuxuu yiri: aniga iyo adigaba waan wada isticmaalnay lacagtaas. marka waa inaad ila guddaa.
Waxay tiri lacagtaas adoo raalli ah ayaad leenka iigu iibisay, kugumana qasbin. marka adaa iga gudaayo aniga ehelkayga ayaa biil iga sugayo.
Meesha ayay ku kala tageen.
Nuur wuu ka quustay Fowsiyo meesha ayuu ku jaray xiriirkeeda asoo ciil daran u qabo.
Laakin waxaa dhacay wax lala yaabo, fowsiyo waxay baratay wiil oo London ku noolaa, wiilkaas wuxuu ahaa nin dhowr sano meesha joogo, fowsiyo way la sheekaysay waxay u muujisay jacayl. Guur ayay ka rabtay.
Wiilka wuxuu ahaa nin dumarka aan u naxariisan.
Fowsiyo intuu guur u ballanqaaday ayuu ku cayaaray.
Ugu dambeyn wuxuu yiri kuma rabo.
Markaas fowsiyo way xanuunsatay, waxay gashay isbitaal, waxaa lagu arkay kansarka ilmagaleenka, waxaa lagu yiri: waa in lagu qalaa oo lagaa bixiyaa minka. Haddii kale kansarka wuxuu ku faafaa jirkaaga oo dhan noloshaada ayaa halis galayso markaas,
Waxaa lagu sameeyay qaliin, waxaana laga saaray minka. Waxaa lagu yiri ilmo ma dhali kartid mustaqbalka.
Fowsiyo meesha ayay ugu dhamaatay, waxay gashay nolol adag.
Nuur isagana wuxuu noqday qof london ku tabaalaysan. wuxuu noqday mashaqeyste. Wuxuu dadka soomaalida ka shaxaadaa lacag. Wuxuu mar walba fadhiyaa qaxwooyinka.
Isagana sidaas ayuu ku burburay. Lacagtii uu soo qaatay wuu gudi waayay.
Waxaas oo dhan gabadhaas ayaa sabab u ahayd.
Marka waxaa lagaa rabaa dumarka qaar inaad iska ilaaliso waliba kuwa lacagta jecel.
Waligaaga yaan lagu qaldin.
Nuur maanta wuxuu taagan yahay shallaay kii ugu dambeeyay.
Wuxuu xaday lacag. wuxuuna ka xaday saaxiibkiisa. waxaas oo dhan fowsiyo ayaa sabab u ah.

Zabtii lagu siray ninkii abgaalka sheeko gaaban

Two young men—friends who had grown up together and shared a deep bond of trust—had a falling out over a girl.
One of them, Deeq, was a capable and wealthy man; his friend, Nuur, worked for him.
Deeq owned a large company in Mogadishu that generated significant revenue.
He placed immense trust in Nuur.
They shared a relationship built on mutual confidence.
However, everything changed when a malicious young woman named Fowsiyo entered the picture.
She was a university student with an arrogant attitude.
She met Nuur and feigned romantic interest in him, though it was all a lie; her only goal was to constantly extract money from him.
Nuur fell deeply in love with her.
While Nuur was a calm, peace-loving young man, Fowsiyo was the opposite—troublesome and difficult.
She was greedy and ill-natured, yet she pretended to be a good woman in front of Nuur.
She would visit Nuur every night, and he would take her out to restaurants.
They spent a lot of time talking, but she focused her attention on his work and the wealth possessed by his friend.
She discovered that he was holding a large sum of money for his friend, Deeq. One night, while they were at a café, she said to him, “Why don’t we build a future together and leave Somalia?”
He asked, “How would we leave?”
She replied, “We could use the money you are holding to travel.”
He said, “The money I have belongs to a friend who trusts me; it is a trust. Have you lost your mind?”
When he said that, she backed off a little.
After all, she couldn’t simply say, “Let’s take this money.”
A few days later, she said, “I have an idea. We can use the money you’re holding to travel, and once we reach Europe, we’ll pay it back. What do you think?”
He asked, “How could I betray my friend?”
“Doing something like that would be wrong.”
She said, “It doesn’t matter; as long as you pay it back, it’s fine.”
He replied, “I’ll think about it.”
Nuur was holding sixty thousand dollars in cash for his friend.
The young woman focused solely on the journey; she began looking for routes and found two options, each costing twenty thousand dollars.
She told Nuur, “I’ve found a route that will allow us to enter Europe.”
“It’s a direct route into the UK.”
When Nuur heard this, he was convinced.
“First, we’ll go to Nairobi, and then we’ll enter Europe.”
On the night planned for the trip, she came to Nuur and told him she was ready.
Nuur deposited the money he was holding with a money transfer agency, and then they set off.
When Deeq woke up the next morning, he called his friend Nuur.
The phone wasn’t working, so he went to Nuur’s house. He was told that Nuur hadn’t come home the previous night.
Deeq was shocked; he assumed Nuur had been kidnapped.
Four days later, it emerged that he had left the country, accompanied by Fowsiyo.
Deeq tried to find a way to contact him but couldn’t.
Deeq was bewildered, wondering what had happened to his friend—had he been bewitched?
A month later, Nuur called Deeq and said, “Friend, I was wrong to do this. I went on this trip without telling you. I’m using the money I was holding for you to get into Europe.” And Fowsiya is with me.
Upon hearing this, Deeq could not contain himself and said: “You are a dirty thief. I never imagined you would do this to me.”
Nuur replied: “That money is a debt I owe you; I will pay it back to you.”
Deeq hung up the phone right there, furious.
Five months later, Nuur and Fawsiyo arrived in Europe—specifically in London, UK.
As soon as Fawsiyo set foot in Europe, she changed completely.
She began to belittle Nuur and distance herself from the relationship.
She said, “I need to look for work; it is best for everyone to pursue their own interests. This is Europe, not Somalia; the ‘sister-brother’ dynamic is over.”
That is how Nuur ended up losing out; the woman for whom he had sacrificed everything—and even stolen money from his friend—had now cast him aside.
One day, he arranged a meeting and said, “You need to help me repay the money I took from my friend; twenty-five thousand was spent on you, even after deducting the cash I used to give you directly.”
She replied, “Did *I* take that money? The person who took it is the one who has to pay it back.”
He said, “We both used that money, so you need to help me repay it.”
She retorted, “You spent that money on me of your own free will; I didn’t force you. So, *you* are the one who has to pay it back—my family is depending on me for support.”
That was where they parted ways.
Nuur gave up on Fawsiyo and cut ties with her, harboring deep resentment. But something unexpected happened: Fowsiyo met a young man living in London—someone who had been there for several years. She struck up a conversation with him and expressed her love, hoping for marriage.
However, the man was someone who had no regard for women’s feelings.
He toyed with her emotions after promising to marry her.
In the end, he told her he didn’t want her.
Fowsiyo fell ill and was hospitalized; she was diagnosed with cervical cancer. She was told she needed surgery to remove her uterus, or else the cancer would spread throughout her body and endanger her life.
She underwent the surgery and had her uterus removed. She was told she would never be able to bear children.
That marked the end of Fowsiyo’s hopes; she entered a life of hardship.
As for Nuur, he ended up destitute in London, becoming a drifter. He resorted to begging fellow Somalis for money and spent all his time in coffee shops.
His life fell apart in the process, and he was unable to repay the money he had borrowed.
That woman was the root cause of it all.
So, you must be wary of certain women—especially those who are obsessed with money.
Never let yourself be misled.
Today, Nuur is consumed by profound regret.
He stole money—stealing it from his own friend. Fowsiyo is the cause of all that.

Leave a Reply