Sheeko naag asbaxnimo loo furay qaadiga xataa la yaabay
Sheekadan waa sheeko cajiib ah.
Waxaa laga qaadanayaa cibro weyn. Taas oo ah qofka marka musiibo looga sheekeeyo iyo marka isaga musiibadaas ay taabato inaysan isku mid ahayn.
Teeda kale naagaha inay ku kala duwan yihiin marka la guursado xagga nolosha iyo mustaqbalka.

Naago waxaa jiro marka la guursado ninka noloshiisa ayaa u furmeyso. Hanti ayuu helayaa.
Naagaha qaarna marka la guursado ninka wuxuu noqonayaa shiid.
Asal ahaan wax walba waa la qoray, waana qadar. Laakin dhacdooyinka sababo ayay leeyihiin.
Sheekadan ayaan ka qaadanaynaa waxyaalo badan.
Waa sheeko ka mid ah qisooyinka ugu qosolka badan ee dadka ay aad ula dhacaan, oo ay ku jiraan yaab iyo qosol qalbiga ka soo baxa oo aan la qiyaasi karin.
Waxaa la sheegay maalin maalmaha ka mid ah nin oo rabay xaaskiisa inuu furo.
Inuu xaaskiisa u dalaaqo si rasmi ah oo aan dib loogu laaban karin.
Taas oo laga wado dalaaq seddex ah.
Sidii caadada u ahayd wakhtigaas, waxay u wada tageen qaadiga si uu mashaakilkooda u xaliyo.
Qaadigu wuxuu u nasteexeeyay ninka wuxuu ku yiri: “Ha degdegin, ee sabar. Waxaa lagaa rabaa dulqaad weyn. waayo, waxa loogu neceb yahay xagga Alle waa dalaaqa.”
Laakiinse ninku wuxuu qabay ra’yi kale oo ka duwan ra’yiga qaadiga, wuxuuna ku yidhi qaadiga: “Waxaan rabaa inaad dhammaystirto dhammaan tillaabooyinka furriinka, go’aankaygu ma noqon doono mid dib loogu noqon karo.”
Qaadigu wuxuu doonayay inuu kala hadlo, laga yaabee inuu ka leexiyo ra’yigiisa oo ah dalaaqa. Wuxuu ku yidhi: “Iisheeg maxaa dhacay oo dhexdiinna ka jira?”
Ninkii wuxuu yidhi: “Waxaan doonayaa inaan ka takhaluso naagtan asbaxda ah.
nasiibka xun aan kala kulmay tan iyo markaan is baranay lama soo koobi karo. Waxaan kaaga warramayaa, qaadiyow, maalintii ugu horreysay ee aan doonayay inaan doonto, oo gurigooda aan u socday, baabbuurkaygii wuu hallaabay, waxaana qasab igu noqotay inaan gurigooda u lugeeyo.
Maalintii arooska, hooyaday waxay ka tagtay adduunka. macanaha way geeriyootay. Markaan dhammeeyay aaska hooyo oo aan u soo noqday gurigeenna, isla markiiba waxaa dhacay dab aan waxba ka reebin ee baabi’iyay wax kasta guriga yaallay. Aabbahay wuxuu go’aansaday inuu i caawiyo marka dhibkaas igu dhacay, laakiin intuusan bilaabin caawintaas, waxaa la ogaaday inuu qabo cudur halis ah oo naftiisa halis gelin kara, markaasuu ka baxay dalka isagoo daawo raadinaya. Daawo ayuu u dhoofay.
Tan iyo safarkiisa, waxba kama ogi ilaa iyo hadda. Oo haddana maanta waxaan waayay shaqadaydii oo ahayd meesha kaliya ee aan dakhliga ka helayay. Miyaanay ku filnayn musiibooyinkaas illaa hadda, mudane qaadi?!”
Qaadigu wuu la yaabay arinkii, wuxuuna ku yidhi isagoo dhoola caddeynaya: “Nin yahow, laakiin ma ogtahay taas inay tahay qadar? Wax nagu dhici kara ma jiro. Wixii nagu dhaco waa wax Eebbe noo qoray. Ha dulmin xaaskaaga, nin yahow; gacanta ka qabso oo ku noqda gurigiinna, isku kaashada wanaagga iyo dhibaatada labadiinaba, waxaana idinka caawin doona Eebbe deeqdiisa.”
Inta uusan qaadigu dhammeeynin hadalkiisii, waxaa isla markiiba u timid warqad lagu wargelinayo qaadiga in laga qaaday xilka qaadinimada. dadka dhexdooda asoo jooga. Waliba maxkamadda dhexdeeda. Waa yaabay qaadiga! isma xakamayn karin wuxuu ku hadlo ayuu garan waayay., wuxuuna ku yidhi ninkii iyo xaaskiisa oo agtiisa joogay: “Nin Yahow naagtan dhaqsi ku fur. xataa hal ilbiriqsi yaysan kula joogin! Baaskeeda iniguuba isoo gaaray waad u jeeddaa in xilka hadda layga qaaday.”!
Naagtan oo kale sideed ula noolaatay. Oo ku haysay !!?
Sheekadan waxaa laga fahmayaa qofka inuusan dareemin musiibada marka ay isaga taabato mooyee.
Soomaalida waxay dhahdaa. Habar jiifto legdan la fududaa.
Qaadiga marka looga sheekaynayay naagtan inay masiibooyin badan u keentay ninkan. Oo ay tahay naag shar badan.
Caadi ayuu u arkayay.
Laakin marka isaga oo arrinteeda xallinaya ay masiibo soo gaartay dhaqsi ayuu ku yiri hala furo.
Teeda kale naagaha guud ahaan waxaa loo tiiriyaa ninkooda habka uu ku noolaanayo.
Waxaa la dhahaa. Labo nin ayaa waligooda tartami jiray.
Labadaas nin wax kaste way ka sinnaayeen.
Laakin waxay ku kala tageen markay guursadeen.
Ninkii naagta fiican helay meel sare ayuu gaaray.
Kii naagta xun guursadayna hoos ayuu u dhacay.
Dhaqanka aadanaha taas aad bay u saamaysaa.
Waa la og yahay wax kaste waa qaddar. Iyadoo ay sidaas tahay.
Haddana naagaha saameys weyn ayay ku yeelanayaan nolosha ninka.
Haddii naagta ay khayr leedahay ninkeeda wuxuu dareemayaa wanaag iyo farxad. Haddii naagta ay tahay naag shar badan oo xun ninkeeda dhibaato kama baxo.
Waxaas oo dhan guriga ayuu kusoo noqonayaa.
Sharta waxaa laga wadaa xumaanta ay naagta leedahay.
Naagta isku dayayso inay kugu dirto waalidkaaga iyo walaalahaaga.
Naagta kuu aragto inaad tahay alaab guriga taallo iyada leedahay.
Naagta rabto inay sidii dameerka kuu hoggaamiso.
Naagtaas waa naagta sharta badan oo lagaa rabo inaad dhakhsi ku furto.
Naagta wanaagsan waa khayr iyo bishaaro guriga kuu ifinayso.
Haddii aad tahay nin wali aan guursanin haku degdegin guurka dumarka adoon iska eegin naagta aad guursanayso.
Waayo mar haddaad bilowdo inaad dumar furto. Caadi ayuu kula noqonayaa furiinka.
Hablaha taas way og yihiin. Sidaa awgeed waxay ka helaan ninka miskiinka ah oo af gaaban.
Ninkaas ayay gumaadaan oo ay ku tuntaan.
Laakin ragga aan naxariista lahayn si fiican ayay u texgaliyaan.
Waxaan aqaanaa labo gabdhood walaalo ah.
Mid waa miskiin oo deggan. laakin ninkeeda waa qof dhib badan. aad buu u gumaadaa.
Gabadha kale oo walaasheeda ahna waa naag qabiid ah oo naxriis aan lahayn. Laakin ninkeeda ayaa miskiin ah aad bayna ugu tumataa.
Ma hadli karo.
Marka adduunyada waa sidaas. Waxaa lagaa rabaa inaad noqoto qof meel fog wax ka eegaya. gaar ahaan sheekada dumarka.
Naagaha qaar waxay ku dheereeyaan beenta iyo iskudirka.
Naagaha qaar waxay ku dheereeyaan khayaanada gogosha.
Adiga iyo nasiibkaaga.
Marka waxaa lagaa rabaa inaad ka feejignaato dumarka xunxun.
Sheeko qiimo badan Qasaaraha u baddel Faa’iido
This story is a wonderful story.
It is taken from a great lesson. Which is that when a person is told about a disaster and when that disaster affects him, they are not the same.
On the other hand, women are different when they get married in terms of life and future.
There are women, when a man gets married, his life opens up. He gets wealth.
And for some women, when a man gets married, he becomes a fool.
Basically, everything is written, and it is fate. But events have reasons.
We take many things from this story.
It is one of the funniest stories that people fall for, including surprise and laughter that comes from the heart and cannot be imagined.
It was said that one day a man wanted to divorce his wife.
To divorce his wife officially and irrevocably.
Which is done through three divorces.
As was customary at that time, they went to the judge to resolve their dispute.
The judge reassured the man, saying: “Do not be hasty, be patient. You are required to have great patience. For what is most hated in the sight of Allah is adultery.”
But the man had a different opinion from the judge’s, and he said to the judge: “I want you to complete all the steps of the divorce, my decision will not be reversible.”
The judge wanted to talk to him, perhaps to change his opinion of adultery. He said: “Tell me what happened between you?”
The man said: “I want to get rid of this woman from the beginning.
The bad luck I have had since we met cannot be summed up. I tell you, my friend, the first day I wanted to marry her, and I was going to her house, my car broke down, and I had to walk to her house.
On the day of the wedding, my mother left this world. She died. When I finished my mother’s funeral and returned to our house, a fire broke down and destroyed everything in the house. My father decided to help me when I was in trouble, but before he could start helping, he was diagnosed with a serious illness that could endanger his life,So he left the country in search of medicine. He left for medicine.
Since his journey, I have not heard anything from him until now. And today I have lost my job, which was my only source of income. Aren’t these calamities enough for now, Mr. Qadi?!”
The judge was surprised by this, and said with a smile: “Man, but do you know that this is fate? Nothing can happen to us. Whatever happens to us is something that God has written for us. Do not oppress your wife, man; take her by the hand and return to your home, cooperate in good and bad times, and God will help you with His provision.”
Before the judge could finish his speech, a letter arrived immediately informing him that he had been removed from office. He was present among the people. Even in the courtroom. The judge was surprised! He could not control himself and did not know what to say. He said to the man and his wife who were standing next to him: “Man, get rid of this woman quickly. Don’t let her stay with you for even a second! “If you have reached her, you mean that I have been removed from office now.”!
How did you live with such a woman? And did you keep her?!?
This story is understood to mean that a person does not feel the disaster unless it touches him.
Somali people say. Habar kiyoto legdan la sila.
When the judge was told that this woman had caused many disasters to this man. And she is a very evil woman.
He considered it normal.
But when he was solving her case, she suffered a disaster, he quickly said to her, “Let her go.”
On the other hand, women are generally dependent on their husbands for their way of life.
It is said that. Two men were always competing with each other.
Both men were equal in everything.
But they separated when they got married.
The man who got the good woman rose to the top.
The one who married the bad woman fell to the bottom.
Human culture is very affects.
It is known that everything is fate. Even so.
Yet women have a great influence on a man’s life.
If a woman is good, her husband feels good and happy. If a woman is a very evil and bad woman, her husband does not escape from trouble.
All this comes back to the house.
The evil is the evil of the woman.
The woman who tries to send you to your parents and siblings.
The woman who sees you as a piece of property in the house.
The woman who wants to lead you like a donkey.
That woman is the evil woman who you are expected to divorce quickly.
A good woman is good and brings good news to your home.
If you are a man who is not yet married, do not rush into marrying women without considering the woman you are going to marry.
Because once you start divorcing women. Divorce becomes normal for you.
Girls know this. That is why they find a poor man with a short mouth.
They beat and trample on that man.
But ruthless men treat them well.
I know two sisters.
One is poor and stable. But her husband is a troublesome person. He is very cruel.
The other girl, her sister, is a woman of character and has no mercy. But her husband is poor and she is very cruel to him.
I can’t speak.
So the world is like that. You are expected to be someone who sees things from a distance. Especially when it comes to women’s stories.
Some women are quick to lie and cheat.
Some women are quick to cheat in bed.
You and your luck.
So you are expected to be careful of bad women.
