Shariif Sakiin iyo Amin arts- lacag iyo siyaasad- Money and politics

Shariif Sakiin iyo Amin arts- lacag iyo siyaasad- Money and politics

When money mixes politics, the pen will be weapon

marka lacagta ay ku dheehanto siyaasadda qalinkana wuxuu noqonaa hub

Amin arts oo maalmahan saaran shariif sakin, taasoo laga fahmayo sawirada uu soo saarayo farshaxanlaha caanka ah ee amin arts, shariif sakin ayaa rabo mar labaad in loo doorto koonfur galbeed, sidoo kale wuxuu rabaa inuu kula dhaqamo dadka beelaha digil iyo mirifle sidii hore uu kula dhaqmi jiray , shariif sakiin oo dad badan ay kasoo horjeedaan, wuxuu heystaa taageerayaal badan.

shariif sakiin iyo amin arts sheekada maanta
shariif sakiin iyo amin arts sheekada maanta

amin arts oo ka mid ah dadka si xoog u taageersan Farmaajo iyo Khayre ayaa aad u weeraraya maalmahaan maamul goboleedyada ka jira dalka soomaaliya, haddaba amin arts muxuu ku arkay shariif sakiin?

waa meesha ay iska galaan lacagta iyo siyaasadda sidoo kale qalinka iyo hubka, hadalka ujeeddo fog ayuu xambaarsan yahay, marka lasoo duuduubo, qofka kasta dan ayaa waddo, qof kasta wuxuu sheegtaa inuu wadani yahay, hadana waxaad arkaysaa markuu lacag arko dalkiisa iska daayee diintiisa ayuu illaawaa.

Sida aad la socotaan dad badan ayaa u sharxan jagada madaxweynaha Koonfur galbeed waxaa ka mid ah Xuseen Cusmaan Xuseen oo kasoo jeeda beesha digil iyo mirifle wuxuu ahaa madaxa hay’adda sirdoonka soomaaliyeed (NISA),  wuxuu ka mid yahay dadka ay isu dhow yihiin Farmaajo iyo xukuumaddiisa.

marka sida ay u eg tahay Shariif Sakiin meesha in laga tuuri doono, sidoo kale way dhici kartaa inuu isaga ka raayo dadka ku dhegan.

laakin Amin Arts uma eka inuu sidan ku daaynayo.

waxaa is weydiin mudan yaa ka dambeeya inay isku dhacaan madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, Axmed Madoobe iyo Cabdi Wali Gaas iyo Sakin ayaa ugu adag maanta marka loo eego kuwa kale, Waare sida ka muuqata ma rabo inuu dhib soo gaaro.

dadka soomaaliyeed waxay ku xun yihiin qabyaaladda, qofka waxaa laga yaabaa inuu ka  hormariyo midka ay isku qabiil yihiin kan daacadka ah, soomaaliya waxa intaan soo gaarsiiyay waa qabyaalad  iyo khiyaano, haddii qofka lagu taageeri lahaa wanaagga iyo waxtarka burburkan ma jiri lahayn.

Maxamed Siyaad Barre markuu dhacay ma ahayn sheekada in laga dhigo Hawiye iyo Daarood, Soomaali oo dhan waa walaalo waxay ahayd soomaalida inay gartaan dantooda dhabta ah, taasoo ah inay dalkooda dhistaan oo ay aduunka la tartamaan, soomaalida waxaa la dhahaa waa dad caqli badan, haddii ay heshiiyaan lama celin karo, sidaas awgeed adduunka siiba carabta iyo reer galbeedka ma rabaan inay soomaali toosto.

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More