Shahwada ragga sidee loo bacrimiyaa

Su’aasha:

Sxbw aanku weydiiye waxaan marwalba aragnaa iyadoo la leeyahay dumarka waxa lagu talaalay shahwada ninka ka dib sidaas bay caruur ku dhashay marka naagta shahwada lagu talaalaayo ma kii ninkeedii baa mise waa shahwo iibsan Oo sida dhiiga cml cusbitaalada loogu iibiyo marka sidee shahwada qof looga bacriminaa iyadoon hab galmo aysan jirin.

Shahwada ragga sidee loo bacrimiyaa
Shahwada ragga sidee loo bacrimiyaa

Jawaabta:

Qaabka shahwada ninka naagta loogu talaalo waa qaab cusub waagii hore ma jirin, waxaa lasoo qaadaa biyaha ninka waxaa lagu talaalaa ilmagaleenka haweeneyda habab badan ayaa jira loogu talaalo,  mar naagta wixii lagasoo qaaday iyo wixii ninka ayaa hal meel laysugu keenaa ilaa ay isugu imaanayaan markaas ayaa naagta lagu shubaa.

Inta badan si dabiici ah uur uma imaan karo waxaa laga yaabaa ninka inuusan gaarsiin karin ama naagta inaysan caadi u qaadan karin, biyaha lagu talaalo waa biyaha ninkeeda, naagta haddii biyo kale lagu talaalo waa xaaraan cunaga wuxuu noqonayaa wecel.

Wadamada gaalada waxaa jira bangi lagu magacaabo bangiga shahwada nimanka, waxaa lagu keydiyaa manida raga lagsoo qaaday dumarka raba ayaa lagu shubaa iyadoon ninkaas xaas u ahayn xataa aysan aqoonin, taas waa dhaqanka gaalada, qof muslin ah taas ma sameyn karo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More