Shacbiyada Farmaajo sawirada selfiga masoo celin karaan

Shacbiyada Farmaajo sawirada selfiga masoo celin karaan

Madaxweyne Farmaajo maalinta la dooranayay Soomaalida badnkooda aad bay ugu farxeen doorashada Farmaajo.

Dad badan ayaa dhahay soomaali way ka baxday xilligii qabiilka iyo qabyaaladda.

soomaali way usoo noqotay dowlanimadii ka maqanayd laga soo bilaabo 1991.

Farmaajo shacbiyadiisa makusoo noqon kartaa sawir selfidadka qaarkii waxay gaareen inay dhahaan Farmaajo ee geey.

Laakin hadda waxay marayaan Farmaajo iga daaya

Maamulka dowladaha laguma maamulo caadifad iyo sheeko sheeko.

ee waxaa lagu maamulaa siyaasad degan oo meel dheer wax ka eegayso.

soomaali wali maka bixin wixii ay ku jirtay.

bal waxaa la dhihi karaa marka uu Farmaajo qabtay ayaa aad amaanka u xumaaday. Muqdisho waxay noqotay meel maalin kaste qarax ka dhaco.

taasna ma aha Farmaajo keliya in dusha laga saarayo ee waa fashil guud oo ay dadkoo dhan wadaagayaan.

laakin Farmaajo wuxuu waayay dad badan taageeri jiray oo u arkayay inuu yahay qofkii soomaali isu keeni lahaa, taasna waxaa u keentay hadalada caadifiga ah oo aan ku salaysanayn siyaaso qoto dheer.

Teeda kale dad badan ayaa muujiyay qabyaalad aan lasoo koobi karin intay ay la eg tahay marka Farmaajo qabtay xukunka Soomaali.

dadkaas badankooda waxay ku nool yihiin dalalka reer galbeedka.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More