Site icon Daruur درور

Shaaha liin lagu daray waxtarka uu leeyahay

Shaaha liin dhanaan lagu daray muxuu jirkaaga ku sameeyaa dhakhaatiirta cuntada iyo caafimaadka waxay sheegeen faa’idooyinka uu leeyahay shaaha liinta lagu daro waxaa ka mid ah

Shaaha liin lagu daray waxtarka uu leeyahay
Shaaha liin lagu daray waxtarka uu leeyahay

1- maskaxda ayuu xoojiyaa qofka mar kasta cabba xifdigiisa aad buu siyaadaa.

2- dufinta cuntada iyo sokorta inuu jirka dhuuqo ayuu ka ilaaliyaa.

3- isdifaaca jirka ayuu adkeeyaa taasoo jirrooyin badan reebta maxaa yeelay wuxuu wataa vitamin C oo liinta ku badan.

4- maqaarka wuxuu ka reebaa kansarka oo ka imaan kara shucaaca qaarkii.

5- sanbabka ayuu nadiifiiyaa wUxuuna kasoo saaraa hargabka ku dheggan.

6- beerka ayuu nadiifiyaa si sunta ay jirka uga baxdo.

7- firfircooni ayuu siiyaa qofka sidaa awgeed dadka cayaartoyda waa la siiyaa shaaha liinta lagu daray.

8- wuxuu gibilka ka dhigaa mid dhalaalaya sidoo kale finkana wuu ka tirtiraa.

9- wadnaha ayuu xoojiyaa kana nadiifiyaa dhiigmareenadiisa waxyaalaha ku dhegdhega oo keeni kara cudurada wadnaha

Exit mobile version