Sawirada soo dhoweynta qoyska Ing Yariisow

Waxaan maanta lagu soo dhoweeyay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya qoyska Guddoomiyihii gobolka Benaadir Allaha u naxariistee Abdirahman Omar Osman – Eng. Yarisow oo Wasaaraddan laba jeer Wasiir ka noqday, waxa ay booqdeen xafiisyadii iyo goobihii uu ku shaqeyn jiray ku dhowaad mudo Toban Sano ah oo Wasaaraddan uu xubin ka ahaa.









Waxaa warbixin laga siiyay Waxqabadkiisii Wasaaraddan iyo waxyaabihii uu kusoo kordhiyey.
waxaa la tusiyay raadkiisa shaqada iyo adeeggii shacabka Soomaaliyeed uu u qabatay, waxay fahmeen sababta uu uga maqnaa iyo Wixii uu u qabtay dalkiisa iyo dadkiisa.
waa qoys qiimo badan leh Oo aqoon iyo dadnimo ka muuqato.