Site icon Daruur درور

Salaada kuma qushuuco markaan tukanaayo maxaa u sabab ah?

Su’aasha:

Asc sxb sare sidee tahay waaku salaamay waxaan rabay marka aan salaado galo waxaan dareemaa waswaas xitaa mararka qaar waxaan ku wareeraa rakcada aan tuktay iyo inta ii dhiman, xitaa mararka qaar waxaan is arkaa anoo istaageyga Attixiyaadka ku akhrinayaa ka dib ayaan is toosiyaa hadana waxaa kaaga sii daran markaas saas salaada u galo ama jamaaca aan ku tukado ama kaligey aan ahaadee anoo waxyaabo hore soo xasuusanaayo marka arintaas mxaa lagu sifeynkaraa sideese salaadeyda ugu qushuucsanaa karaa waswaaskana iskaga reebi karaa?

Salaada kuma qushuuco markaan tukanaayo maxaa u sabab ah?
Salaada kuma qushuuco markaan tukanaayo maxaa u sabab ah?

Jawaabta:

Waxaa laga fahmayaa shaydaanka weerar adag inuu kugu hayo, waswaaska salaadda waxaa keena marka ugu horrayso shaydaanka, waxaa lagaaga baahan yahay inaad Alle ka magangasho oo aadan illaawin marka aad galayso salaadda intaadan bisinka akhrinin inaad cuudi bilaysato taas waa mid.

Midda kale waxaad la dagaallantaa fikirka ka baxsan salaadda, waxaad eegtaa meesha aad ku sujuudayso, waxaad ku tadaburtaa waxa aad akhrinayso hortaada waxaad keensataa cabsida Alle jannada iyo naarta maalinta aakhiro qiimaha salaadda iyo in lagaa aqabalayo iyo in kale, iska dami taleefanka.

Waxaas oo dhan waxay kuu sahlayaan inaad hesho khushuuc waxay kaa dheereynayaan inaad ka baxdo mashquulka salaadda.

Shaydaan wuxuu adeegsadaa inuu kusoo xusuusiyo waxyaabaha aad illowsan tahay si uu kaaga halleeyo salaadda.

Exit mobile version