RW Xasan Khayre Muxuu ula kulmay Farxiyo Kabayare

Soomaalida waa dad meel dheer wax ka arka marka ay sheekaddu tahay qabyaalad iyo qabiil, laakin marka ay sheekada tahay qoran iyo qumanaan meel dhow ayay wax ka arkaan.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre dad badan ayaa weerar ku haya, marka uu la kulmay Farxiya Kabayare waxay u qaateen inuu kulamay Farxiya waayo waa isku beel waxay isla yihiin Murusade, laakin sheekada sidaas ma aha.

Marka aad wax yar gadaal u noqoto waxaad arkaysaa Khayre oo la kulmay dad badan oo aan qabiilkiisa ahayn, bal wuxuu la kulmay dad Daarood ah.

Marka dowladda Nabad iyo Nolol qabyaalad kuma dhisna.

sawiradan waxaa baahisa Farxiya Bayare oo xaflad ku samaysay magaalada Muqdisho waxaa kaloo la jira Nimcaan Hilaah oo isagana xamar Jooga hadda.

Kabayare iyo Hilaac joogitaankooda xafladda sanadka 2019ka waxaad mooddaa dowladda inay si fiican u daryeelayso fanaaninta dhalinyarada ah, iyadoo rabta inay muujiso soomaaliya inay tahay dowlad xor ah oo ku dhisnayn fikirka shabaabka, sheekada marka sidan tahay waxaa kuu soo baxaya soomaali cudurro badan inay ka jiraan.

Qore: Deeq Macallin Saciid

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More