Riyo anoo ay ii timid gabadh bari fog iigu danbaysay

Su’aasha:

Asc waad ku mahadsantihiin sida fiican ee dagdaga ah eed noogusoo jawaabaysaan nooguna fasirtan riyada Allah macak
Waxaan ku riyooday aniga oo hotel wayn jooga ayaa waxaa huteelka soo gaadhay gabadh toban sano kahor iigu danbaysay kala wadan joogno oo caruuro dhashay hada ayaa iyadoo siday barigaan aqaanay ahayd oo yar oo gaadhi wadata oo aad u qurux badan lebis fiican wadata soo istaagtay ana waaban sugayay Niman baraxada fadhiyay ayaa soo eegay midbaa yidhi inanta ha eegin mahamed bay usocotaye way iisoo gashay
Anoo taagan ayay intay xaga Danbe igaga timid hab isiiyay ooy igu dhagtay kadibna qoorteeda laabtayda soo saartay iyadoo qoslayna igu tidhi waanku jeclahay anba waanku jeclahay ayaan ku idhi waanan dhunkaday dhabanka afka aadbaanu u wada qoslaynay una wada faraxsanayn imaysiidayne sidiibay iigu dhaganayd mudo dheer ana kolba dhunkanayay iyana I dhunkanaysay iskuna faraxsanayn Allah mahadle.

Riyo anoo ay ii timid gabadh bari fog iigu danbaysay
Riyo anoo ay ii timid gabadh bari fog iigu danbaysay

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto farxad ballaaran sidoo kale hanti aduun, dumarka waxaa lagu fasiraa adduunyo siiba markay qoorta ku galiso iyadoo farxad ay jirto, marka riyada waa bishaaro xoolo adduun ayaad heli doontaa sida riyada qaabka ay tahay laga fahmayo, waliba nolol raaxo leh ayaad ku noolaan doontaa, laakin iska ilaali inaad ku fidnowdo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More