Riyada xaaska oo gacmaha iga jarayso anoo caruurta barkad kula jiro
Su’aasha:
Asc. Walaal aad baad ugu mahadsan tihiin shaqada wanaagsan aad bulshada u haysaan.
Walaal waxaan ku riyooday anoo barkada dabaasha caruurtayda kula dabaalanayo oo barayo dabaasha aadna ufaraxsan, xaaskayga oo barkada banaanka ka taagan baa gacanta midig muruqa iga goynaysa xanuuna ma dareemayo gacanta markay i jartay xataa ee waaba faraxsanahay bidixna waa igoysay caruurtii baan ku fakarayaa inaan lugaha ku qabto si aysan biyuhu u liqin xanuun iyo murugana ma i hayso oo waa faraxsanahay.
