Riyada waraabka adhiga fasirkeeda

Su’aasha:

Habeen ayaan waxaan ku riyooday anigoo adhi waraabinaaya, adhiga waxaan ka waraabinaayey meel ceel ah. Sida habeen kale ayaan iyana waxaan ku riyooday anogoo adhi badan oo aanaan hore u lahayn helnay si kadis ah aniga iyo wiil aanu walaalo nahay, markaan adhigan wuxuu si kadis ah gurigayaga u soo galay goor cadeedu sii dhacayso oo salaada maqrib ku beegan. waxaan jeclahay in aad labada riyo ii soo fasirtaan.

Riyada waraabka adhiga fasirkeeda
Riyada waraabka adhiga fasirkeeda

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto hanti badan iyo barako ariga waxaa lagu tiriyaa xoolaha kuwa ugu fiican sidoo kale waxay tilmaamayaan inaad masuul noqon doonto qof maamulaya dad badan jago ama xil inaad qaban doonto guud ahaan waxaa riyo wanaagsan oo bishaaro ah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More