Waxaan ku riyooday Xaley aniga iyo walalkey oo isla socono ayaa Waxaan ku sii jeednay xafiis,dabaq aad u dheer buu ahaa, jaranjarta intaan sii soconay Waxaan Kor ka aragnay Ninkii aan usoconay oo suuli xafiiska ku dhegan kasoo baxaayo,isla markiibo Waxaan ku iri walalkey oo ila socday halkaan sii fariiso suuligan galayaaye markaan kasoo baxay Meel uu jaan iyo cirib dhigan ayaan waayay oohin ayaan meesha LA fariistay cabaar markaan raadintiiisa ku daalnay kadib. (walalkey iyo aniga 2 wadan oo Kala fog ayaan ku Kala noolnahay in mudo ah). Thanks.
Jawaabta:
Riyadan waxay tilmaamaysaa inay kusoo waajahayaan arrimo adag aadan kaligaaga xalin karin ama aadan wax ka qaban karin waa wax u baahan familkaaga inay wax kaaga qabtaan, arrimahaas waa aarimo kuu keenaya murugo waxayna inta badan la xiriiraan cilaaqada idinka dhexaysa adiga iyo dadka aad jeceshay, riyada waxaa la dhihi karaa waa digniin waa inaad ka fogaataa wixii laga yaabo inuu dhib kuusoo jiido hadal ama fal wuxuu yahayba.