Asc wllo waxan ku riiyooday Xaaskayga Hooyadeeda oo ii dacweynaysa waxayna sheegaysa in aan gabar yar gacan u qaaday iyo inan ayada xariirkeeda Jaray balse qofka ay igu dacweynaysay ma aqaano telefan ku hadlaysay waxayna sheegaysay inan isbadalay oo xafadeeda aan tagin iyo inan gabar yar oo ay dhashay aan gacan u qaaday.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa sida ay kugu dadaalayso iyo ihtimaam ay ku siinayso xaaskaaga hooyadeeda sodohdaada, riyada sodohda waa riyo khayr ah oo fiican, waxay tilmaamyasaa siday ugu dadaalayso gurigiina ee ma aha riyo xun, dacwada ay ku dacweynayso waa cabsida ay ka qabto reerkiina inuu dhib soo gaaro.