Riyada Sheekh Dirir oo bakhaarka sacado iyo wax la mida oo quraarad ku iibinaya

Su’aasha:

Asc walaal waxaan ku riyooday anoo la socda habaryartay iyo walaalkay oo ku socona bakhaar aan garanayo kadib bakhaarka waxaa wax ku iibinayay qayb kamid ah sheekh dirir oo sacado iyo wax la mida oo quraarad ku iibinaya isaga iyo rag kale oo aan garanayn kadib inankii bakharka hayey ayaa biyo iidirsaday lacagtiina wuu iidhibay mana xasuusto wixii ka dambeeyay marka walaal maxay noqon riyadu walaal waan la yaabay run ahaanti sheekha iyo iibka waxa iska soo galay ii fasir walaal adoo mahadsan.

Riyada Sheekh Dirir oo bakhaarka sacado iyo wax la mida oo quraarad ku iibinaya
Riyada Sheekh Dirir oo bakhaarka sacado iyo wax la mida oo quraarad ku iibinaya

Jawaabta:

Riyada waa riyo fiican oo tilmaamaysa inaad gaari doonto darajo sare xagga aqoonta iyo diinta, sidoo kale riyada waxay tilmaamaysaa waddo fiican inaad marayso oo liiban iyo guul leh.
Sheekh Dirir wuxuu ka mid yahay culimada mufasiriinta soomaaliyeed oo quraanka kariimka fasiraya, waana sheekh diinta faafiya oo khayrka sheega.
Riyada waxaa kaloo ay tilmaamaysaa inay habboon tahay wakhtigaaga inaad ka faa’idysato taasna waxaa laga qaadanayaa sheekha oo iibinaya saacado.

Marka riyada waa riyo wanaagsan oo bishaaro kuu ah adiga.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More