Riyada qofkii waayo ilmaha yar uu dhalay oona webiga ag jooga

Su’aasha:

Asc wll waxan xalay ku riiyooday aniga iyo xaaskeyga , wiikkeyga iyo gabar duumashiday anaga oo joogna meel wabi ah kumana qubeysan lakiin agtiisa ayan fadhinay lakiin marka dambe waxan wayay wiilka yara waxana leeyahay wabiga amuu ku dhacay ama yaxas ma cunay anoo raadinaya oo qeylinaya soo kacay haddan indhaha kala qaadaba waa riiyo. marka maxay noqon karta riyada family oo wabiga agtiisa joogna.

Riyada qofkii waayo ilmaha yar uu dhalay
Riyada qofkii waayo ilmaha yar uu dhalay

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa khasaaro kusoo gaari karto ama dhibaato ama murugo  webiga siyaabo badan ayaa lagu fasiraa waxaa ka mid ah dhibaato iyo rafaad taasna waxaa xoojinaya lumitaanka cunuga yar taasna waxaa lagu fasiraa khasaaro xaga maalka  marka riyada waxaa dhici karto inay tahay digniin inaad iska ilaaliso wixii dhib kaaga imaan karo, riyada markay digniinka tahay dhib kugu soo socdo ayaa lagaaga digayaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More