Riyada qofka hadduu arko asoo dhintay
Su’aasha:
Asc walal.
Waxan ku riiyooday xalay anoo dhintay oo xabad ay iga dhacday halbowlaha lugta waana dhintay intas ku riiyooday maxay tahay fasiiirkeeda.

Jawaabta:
Qofka markuu ku riyoodo asoo la dilay ama dhintay riyadaas waxaa lagu fasiraa qofka inay ka dhamaanayaan dhibaatooyinka ama fikirka uu ku jiro oo nolol cusub u bilaabanayso ama deyn haddii lagu leeyahay uu gudayo sidoo kale geerida qofka waxay tusinaysaa cumri dheer.
marka haka walwalin riyadaas.
geeri inta badan cagsi ayay noqonaysaa ee maha sida dad badan ay u haystaan.
When a person dreams of being killed or dying, that dream is interpreted as an end to the problems or thoughts they are having and a new life is beginning or a debt if owed will be paid. Also, the death of a person indicates a long life.
So don’t worry about that dream.
Death is often the opposite, not as many people think.
