Riyada qof nebi Muxumed SCW caayey oo aan doonaayey in aan dilo
Su’aasha:
ASC,
Xalay waan ku riyooday anoo doonaaya in aan dilo nin caayey nebigeena suuban SCW. Riyada dhexdeeda ayaa waxaa iga soo hor baxay anoo meel maraaya koox rag ah oo uu ku jiro mid budhwayn sita, ninkaa budhka wayn sitaa wuxuu afla-gaado u gaysanaayey nabigeena suuban Muxumed SCW. Dabadeed intaan xoog u xanaaqay ayaan ku soo orday ninka nabiga caayaaya ee budhka sita si aan u dilo, anigu markaa wax faralaab ah ma sito laakiin asagu budh ayuu sitaa aad u dhumuc wayn laakiin anigu xataa budhka uu sito kama baqanaayo ee waxaa ii cad sidii aan u dili laahaa ninka nabigeena caayey SCW. Waan ku soo orday wuuna iga cararay ana waar eryaday laakiin waan gaadhi waayey, nimankii ayaan dib ugu soo laabtay uu la socday waxaanan ku idhi waar maxaad u dili waydeen ninka idinla socday ee nabiga caayey? wax jawaab ah oo ay imay siinin markaa laakiin waxaan hortooda uga dhaartay in aan ninkaa dili doono marka dambe ee aan indhaha ka qaado ninkaa nebiga aflagaadeeyey. Waxay i waydiiyeen oo markaad disho aakhira xagee qabanaysaa, waxaan ku idhi aniga iyo asagu nebiga hortiisa ayaan isla tagi doonaa waxaanan nabiga u sheegayaa sababta aan u dilay inuu nabi allow ninkaasi ku caayey.
