Riyada qof kasta ma fasiri karaa

Su’aasha:

Asc waxaan doonayaa in aad iga jaahil bixisaan Riyada Qaabka loo fasiro waayo Riyada ma ahan wax rasuulka Laga soo xigtay fasirkeeda maxaayeelay waxyaalaha lagu riyoodo Sabanadan ma ahan wax jiray waguu rasuulka dunida saarnaa sida Diyaarad

Su,aaasheyda waxay tahay Maxaad u baahan tahay Si aad u noqoto mufasir Riyo Cid kastase ma noqon kartaa mufasir.

Riyada qof kasta ma fasiri karaa
Riyada qof kasta ma fasiri karaa

Jawaabta:

Waxaa jira kutub laga qoray sida riyada loo fasiro waxaana ka mid ah:

تعطير الأنام في تعبير المنام :

عبد الغني بن إسماعيل بن عبد الغني النابلسي (المتوفى: 1143هـ)

الإشارات في علم العبارات :

خليل بن شاهين الظاهري، غرس الدين (المتوفى: 873هـ)

 

Kutub kale oo badanna way jiraan, marka waxaa jirta astaamo qofka uu raacayo laakin waxaa shardi ah riyada inay faahfaahsanaato qaabka loo arkay iyo qofka arkay xaalkiisa haddii nin uu yahay ama naag ay tahay qof xaas leh ama qof doob ah sidoo kale qof jirran iyo qof fayow dhamaan xaaladahaas oo dhan way saameeyaan fasirka riyada, astaamaha marka aad eegto oo aad fiiriso waxa qofka uu arkay ayaad adeegsanaysaa inaad isku xirto, way dhici kartaa inaysan sidaas noqonin maxaayeelay fasirka waa dadaal qofka bixinayo asoo raacaya qaacidada u degsan fasiraadda riyada.

Laakin riyada anbiyada ay fasiraan waa dhab waana waxyi mana qaldamo fasirkooda.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More