Site icon Daruur درور

Riyada qof dhintay oo macmacaan aad siineyso asna kaa diidayo

Su’aasha:

walal hooyadee ayaa kur iyootay hooyadeed oo dhimatay hal sano kahor waa ayeeyadee july 2020 ayee dhimatay habeen hore ayee ku riyootay ayadoo macmacaan siineeso kadibna maya ee dhaheyso maxee noqon kartaa.

 Fiiro gaar:  wll qaali sorry riyada meel yar baan kaqaldy iga raali noqo iigana falceli hadii macquul tahay please ee qofka dhintay cuntada ma uusan diidiin ee afka iigali ayuu dhahay sidaas ayee kuqaadatay maxee noqonee

Riyada qof dhintay oo macmacaan aad siineyso asna kaa diidayo
Riyada qof dhintay oo macmacaan aad siineyso asna kaa diidayo

Jawaabta:

Riyada waa khayr inshaa Allaah hooyadaada nolol macaan ayay helaysaa iyo arsaaq waasac ah riyada waxay tilmaamaysaa xaaladda hooyadaada ay gali doonto ee barwaaqo ah.

Riyada fasirkeeda waa sidaan kugu fasiray laakin siyaado ayaa raacayso:

waxaa kaloo ay tusin kartaa in ayeeyadaada duco ay gaari doonto oo ka imaanayso xagga hooyadaada iyo ubadka ay dhashay taasna waa wax aad ugu fiican qofka dhintay.

Exit mobile version