Asc, salaan kadib xalay waxaan ku riyoodey qof dhintay, oo uu ileeyahay niyow lacagtii aan kuu dhiibanaayey $25 iiga sii anna lacagtii waan wada isticmaaley, anna waxaan dhahy waan ku siinayaa dhib malahan wax yar isug
Markaa riyadaas maxaa lagu Fasiri karaa?
Riyada qof dhintay oo lacag dalbanaya
Jawaabta:
Riyadan waxay tilmaamaysaa in ninkaas uu u baahan yahay sadaqo loo bixiyo, waxay riyada sheegaysaa inuu dhib ku jiro uu u baahan yahay khayr, haddii qofkaas aad garanayso ehelkiisa gaarsii si sadaqo ay u bixiyaan adigana u duceey.