Riyada qaraabada iyo aabbaha dhintay loo tagayo

Su’aasha:

asc walaalaha daruur salan kadib waxaa rabaa inan helo fasirka jawaabta riyadaan
rerkayga oo jooga wadanka aya kiriyoda anigo utagayo lkn waqti walba waxa utaga ayada oo duruufi kamuuqato oo waliba meelo liito dagan duruufo aad udarana hayso mana aha sidaas maxay sa tahay riyadaas iga jahil bixiya
midkale aabahay oo marhore dhibtay ayaan waxa riyada ku arkaa asago leh aniga oo nool baa la iduugay sidaas ayaa qabriga uga so baxay markas bu nolol iyo farxad inala qaataa weyna igu so lalabataa riyooyinkaan aan kuso wada qoray labadoodaba.

Riyada qaraabada iyo aabbaha dhintay loo tagayo
Riyada qaraabada iyo aabbaha dhintay loo tagayo

Jawaabta:

Riyada aad ku aragto reerka oo rafaadsan waxaa laga wadaa inay adiga kuu baahan yihiin inaad ku dadaasho, oo aadan illaawin oo mar kaste aad wax siiso oo aad ka warhayso.

Midda kale oo aabbahaaga aad arkayso asoo kuu sheegaya xaalkiisa waxay tilmaamysaa inuu meel fiican joogo oo naxariista Alle uu hayso xaalkiisa maadaama uu wanaagsan yahay, sidoo kale adigana inuu raalli kaa yahay.

Teeda kale marka uu ku leeyahay aabbahaaga aniga oo nool ayaa lay aasay  waxay noqon kartaa marka uu joogay dunida warkiisa lama qaadan jirin hadaladiisa lama fulin jirin.

Marka hadday jiraan dad isaga uu jeclaa waxaa haboon inaad xiriiriso

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More