Riyada qabriga aabbe annagoo tagayno

Riyada:

Walalkay iga yar ayaa ku riyooday anaga oo dhan oo qabriga aabo tagnay gabar walashay ah ayaa noogu horaysay oo aragtay yacni waxa naloo tusinayay mid mid aanku fahansiiye abahay dhaqtarka marka uu kujiray ayaa hal hal qof uugu galaynay dhamanten qolka uu jiifay markaa riyadu waxay la mid tahay in sidaaso kale qof qof aan u arkayno aabo ilahay ha u naxriiste gabadhii noogu horaysay ee booqatay aabe waxay soo aragtay aabo oo qolfoof ah oo way soo wada hadleen wanna kasoo noqotay hadana wiilka riyadan ku riyooday ayaa sheegay inuu isaguna markiisa u tagay aabo wuxuuna sheegay inuu arkay aabo lakin gacmihisa ayan arkay ayuu dhahay oo qalfoof ayay ahaayen cidiyuhuna way dhaadherayen wuxuu kaloo sheegay inuu la hadlay oo uu dhahay walalkay aabbe intaa kadib aabahayna wuxu ku dhahay “aabbe” oo gacanta ayuu usoo taagay walalkayna wuxu arkay cayayaano badan kadibna wuu kasoo cararay.

Riyada qabriga aabbe annagoo tagayno
Riyada qabriga aabbe annagoo tagayno

Fasirka:

Riyada waxay tilmaamaysaa aabbahaaga inuu duco u baahan yahay, Ilaahay ha u naxarrsto.

Teeda kale riyada waxay noqon kartaa fikirkaaga mid ka timid.

Waayo qofka waxa uu ku mashquulsan yahay riyo ahaan ayuu u arkaa.

Ilaahay khayr haka dhigo.

U duceeya aabbe

 

Halkan ka daawo riyada qabriga

 

The dream indicates that your father needs prayers, may God have mercy on him.

On the other hand, the dream could be from your own thoughts.

Because a person sees what he is busy with as a dream.

May God bless him.

Pray for your father

Leave a Reply