Riyada nin lacag ii dhiibaya oo leh eeddadaada sii
Riyada:
Asc waxaan ku riyoday anigoo ninka ciidanka oo dhan xukumay ee ugu sareeya sareece guud oo aan is naqaano oo aan Isa laanay gacnatane is qabsanay uuna labisnaa dharkii ciidanka ayuu ku labisnaa ,
Gacantii ayaaynu is qabsanay waanune israacnay waxaan wada tagnay xafdiisa .markaan siigalaynayan xafdiisa ayuu wuxuu iidhiibtay lacag isku xidhan oo xidhma ah Wuxuune igu yidhi waxaad siisaa eedadaa ,
Anigune waxaan xidhnaa jakad suudh ah lacgtiine jeebka Ayaan galiyaya xafdii Ayaan galnay waan fadhiisanay lacgtii ayaa igadhacday gugasha ayuu kudul dhacday nin baa isoo agfadhiistay lacgtii intuu sooqaday ayuu jeebka iigaliyaya ,
Hadane jeebka lacg kale ayaa iigu siijirtay oo isku xidhan .
Inshallah haday khayr tahay ii Soo fasir

Fasirka:
Riyada waxay tilmaamaysaa fursad qaali ah oo kusoo mari doonto.
Furasaddaas waxay wax weyn ka baddalaysaa mustaqbalkaaga.
Sido kale waxaad noqonaysaa qof caawinaya qaraabada kuu dhow.
Waa riyo bishaaro ah.
Riyada lacagta halkan ka daawo
The dream indicates a valuable opportunity that will come your way.
This opportunity will make a big difference in your future.
You will also become someone who helps your close relatives.
This is a good dream.
