Riyada nafta dhaawac u geysata

Riyada marka ay tahay mid u xun dadka qaar waxay u geysataa dhaawac nafsi ah.

Riyooyinka xun xun siiba kuwa qof si kedis ku arko oo uu naxdin lasoo boodo isagoo wadnihiisa aad u shaqeynaya.

Riyada cabsida leh
Riyada cabsida leh

Riyooyinkaas inta badan waxay la xiriiraan cabsi iyo walwal uu qofka ku sugan yahay, inta badan waxaa arko dadka naftoodiya eedeynaya sida dadka qaladaadka waaweyn samaynaya oo habeenkii marka ay seexdaan cabsi iyo walwal ku seexda.

 

Riyada argagaxa leh qofka caafimaadkiisa dhib weyn ayay u keenaysaa siiba marka ay soo noqnoqonayso, qofka wuxuu arkaa mararka qaarkooda isagoo la dilayo oo nafta ka baxayso ama isagoo meel dheer kasoo dhacayo, ama isagoo guri la dumayo ama isagoo diyaarad la dhacayso ama isagoo guri ama sar dheer kasoo dhacayo, riyada waxay u muuqataa qofka isagoo soo jeedo neeftuur iyo  wadnagaraac ayuu ku jiraa, afkiisa oo qalallan ayuu hurdada kasoo boodayaa, waxaa laga yaaba inuu sidaas ku dhinto.

 

haddaba maxaa kula gudboon inaad sameyso sidii aad uga badbaadi lahayd riyada cabsida lehj?

Marka hore noqo qof bulshada aad la nooshahay wanaag iyo xasillooni ku nool, dulmiga dadka iska ilaali, noqo qof naxariis leh, cadow ha sameysanin xaasid ha noqonin.

marka aad seexanayso akhriso adkaarta hurada loogu talaggalay, Ilaahayna talasaaro mar kaste, illeen riyada xun sheyddaan baa ka dambeeyee.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More