Riyada nafta dhaawac u geysata
Riyada marka ay tahay mid u xun dadka qaar waxay u geysataa dhaawac nafsi ah.
Riyooyinka xun xun siiba kuwa qof si kedis ku arko oo uu naxdin lasoo boodo isagoo wadnihiisa aad u shaqeynaya.
Riyooyinkaas inta badan waxay la xiriiraan cabsi iyo walwal uu qofka ku sugan yahay, inta badan waxaa arko dadka naftoodiya eedeynaya sida dadka qaladaadka waaweyn samaynaya oo habeenkii marka ay seexdaan cabsi iyo walwal ku seexda.
Riyada argagaxa leh qofka caafimaadkiisa dhib weyn ayay u keenaysaa siiba marka ay soo noqnoqonayso, qofka wuxuu arkaa mararka qaarkooda isagoo la dilayo oo nafta ka baxayso ama isagoo meel dheer kasoo dhacayo, ama isagoo guri la dumayo ama isagoo diyaarad la dhacayso ama isagoo guri ama sar dheer kasoo dhacayo, riyada waxay u muuqataa qofka isagoo soo jeedo neeftuur iyo wadnagaraac ayuu ku jiraa, afkiisa oo qalallan ayuu hurdada kasoo boodayaa, waxaa laga yaaba inuu sidaas ku dhinto.