Riyada madaxweyne Muuse Biixi anoo la jooga
Riyada madaxweyne Musse Biixi warqad ii qoraya
Riyada:
Asc sheekh waxaan ku riyooday anigoo dhinac fadhiya madaxweynihii hore ee somaliland muuse biixi cabdi kursi ayaan kuwada fadhinay dadbaa nala joogay aan badnayn intuu kacay ayuu hortayda soo fadhiistay ayuu igu yidhi adigu horta kumaad ahayd isu kay sheeg qoladaydii ayaan usheegay waxaan uraaciyay hebel ayaan ilmaadeernay ( waa nin sarkaala uu garanayo )waxaan ku idhi waa ina hebel magiciisii op sadexan ayaan sheegay Ana magaygii oo sadexan ayaan sheegay anigoo hadalkii dhamayn ayuu yidhi waan gartay waan gartay warqad ayuu markiiba qoray wuxuu qorayay nin masuula oo xil sare haya nin nala joogay ayuu ugu dhiibay waxaan ufahamay warqadu inay aniga igu saabsantay ninki waraaqdii wuu qaaday ninkiibuu ugeeyay waanu soo noqday inyar kadib ninkiibaa igu yidhi inakeen waan raacay waxaan ufahmay inuu leeyay kaalay sooqaado wixii laguu balamiyay markaan siisoconay niyada waxaan iska lahaa toloow wuxu waa maxay ma lacagbaa mise waa waxkale waanaan kaba la aa anagoon ninkii gaadhin ayaan toosay isoo fisir sheekh

Fasirka:
Riyada waxay ka hadlaysaa mustaqbalkaaga soo socdo, waxaad noqon doontaa qof magac leh.
Waxaa laga yaabaa inaad qabato jago weyn oo meel sare ku geynayso
Waa khayr riyada.
Halkan ka daawo riyada warqadda
The dream speaks of your upcoming future, you will become a famous person.
You may hold a great position that will take you to a higher place
The dream is good.