Riyada geel hooyo daba socda oo dilaya libaax

Su’aasha:

Asc Allah mahadleh
waad mahadsan tihiin Allah macak
waxaan ku riyooday anoo jooga meel barawaaqo ah oo wada dhiroo doog aad u badanle oo green ah
waxaan taagnaa albaabka waa casar sidan filayo (cadceeda oo gaaban lkn wali aan dhicin ayaan arkayay)  waxaa meel ilaa 1km ii jirta soo socota hooyaday geel badanina wuu daba socdaa
waxaan arkay bahal wayn oo libaaxoo ku soo ardaaya hooyaday aadban u naxay waanse eegayaa manaan hadlin
libaaxii markuu geelii soo gaadhay ee uu badh soo dhaafay isagoo xaga hooyo usoo ordaya ayuu geelii ku durduriyay oo ku tuntay oo uu dilayba
markaasaan aad u farxay oon qoslay alxdlh
Allah mahadleh

Riyada geel hooyo daba socda oo dilaya libaax
Riyada geel hooyo daba socda oo dilaya libaax

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa hooyadaada inay ka badbaadayso masiibo weyn jirro halis ah ama wax kale, geela hooyo dabada socda waa shar iyo masiibo laakin Alle ayaa ka badbaadinaya shartaas wuxuu kusoo diraa addoon addoomihiisa ka mid ah uguna xoog badan xayawaanada duurka waana libaaxa.

Fiiro gaar: Riyada macnaheeda guud isma baddalayo laakin waxaa is badalaya qaabka uu yahay, geela wuxuu astaan u yahay dhib iyo masiibo siiba marka uu qofka daba socdo libaaxana wuxuu astaan u yahay qof xoog badan ama qof dulmi badan ama qof talo haya aan naxariis lahayn, marka riyada sidaad ii sheegtay libaaxa ayaa laga adkaaday geela ayaana wax dilay, marka guud ahaan hooyadaada dhibka kusoo socda way ka badbaadaysaa inshaa Allaah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More