Riyada ku saabsan la jirka iyo la jooga dadka madaxda ah

Su’aasha:

Asc waan idiin salaamayaa bahda Daruur, sida aad su’aalaha iyo talooyinka aan idiin soo dirsano ugu jawaabeysaan waan idiinkaga mahad celinayaa, waxaan rabaa in aad iigaga jawaabtaan fasirka riyadan:- Waxaan marar badan aan riyo ku arkaa anoo la joogo masuuliyiinta ugu sareysa dalka sida madaxweynaha, marka riyadaas oo igu soo laalaabatay marar badan, maxaa lagu macneyn karaa Mahadsanidiin.

Riyada ku saabsan la jirka iyo la jooga dadka madaxda ah
Riyada ku saabsan la jirka iyo la jooga dadka madaxda ah

Jawaabta:

Riyada noocan oo kale ah waa riyo bishaaro ah oo tilmaamaysa wax aad u weyn qofka ku riyooda asoo la jooga ama la fadhiya ama la sheekaysanaya madaxweynaha dalka ama ama wasiir ama hoggaamiye weyn ama qof suldaan ah iwm. wuxuu gaarayaa meel sare hanti ama jago ayuu yeelanayaa magaciisana caan buu noqonayaa, waxa uu gacanta kula jiro ayuu ka salgaarayaa, marka riyada madaxda taas ayay tilmaamaysaa.

Wuxuu leeyahay Ibnu siiriin:

(إذا رأى الحالم أن الرئيس يصافحه ويبتسم له، دل ذلك على نيل الرائي الخير الكثير والمنفعة منه)

(Qofka riyoonaya hadduu arko asoo gacanta ku salaamaya madaxweynaha oona uu u dhoolacaddeynayo taas waxay tusinaysaa qofka riyada arkay inuu khayr  badan heli doono iyo wax waxtar leh)

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More