Riyada ilaa waqti intee ay furmi kartaa

Su’aasha:

Asc webka Daruur aad u mahadsan tihiin waxaan doonayey inaan idin waydiiyo Laba Su,aal
1 waxaan nin ka maqlay in Riyada ay tahay 5 ilaa 10 beri wax kugu dhacaya wixii ka dambeeyana Riyada aysan jirin
2: Aabahay ayaa Wuxuu igu riyooday aniga oon dhalan Suuradeyda Hada aan leeyahay ayaa la tusiyey Wuxuuna arkay isagoo jooga Xaflad Boqor nimo la iigu caleema saarayo isagoo Duq waayeel ah maxaa lagu fasiri karaa Riyadaas

Riyada ilaa waqti intee ay furmi kartaa
Riyada ilaa waqti intee ay furmi kartaa

Jawaabta:

Marka hore waxaan kuu sheegayaa hadda kadib hadaad su’aal soo direyso mid mid usoo qor, hal meel ha kusoo dirin.

1- Ninka yiri riyada 5 ilaa 10 maalmood gudahooda ayay furmaysaa wixii ka dambeeya ma furmayso taas sax ma aha, riyada waxaa laga yaabaa sanado badan inay qaadato oo markaas ay furanto, tusaale ahaan nabi Yuusuf (CS) riyada uu ku riyooday asoo yar aabbihiisa iyo hooyadiisa iyo walaalihiisa u sujuudaya waxay furantay markuu weynaaday oo jago uu ka qabtay Masar sida qisada suuratu Yuusuf ku sugan, sanado badan kaddib ayayna dhacday arrintaas.

2- Riyada aabbahaaga arkay oo adiga kugu saabsan waxay noqon kartaa riyo si toos usoo bixi doonto maadaama uu kuu sheegay in qaabkaaga la tusiyay adoon dhalan, qeybta kalana oo ah caleemasaarka way u badan tahay si toos inay u fasiranto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More