Riyada guri wayn wada dhir ah oo qadiimi ah

Su’aasha:

asc waad mahadsan tihiin guud ahan webka daruur Allah macak
waxaan ku riyooday anoo tagay guri bari hore iigu danbaysay xaga riyada oon leeyahay waan soogalay dayrkii gudaha ayaan usoo galay waxaan furay gurigii waxaan hadana fur furay dhawr qol waxaan ku arkay alaab hido iyo dhaqanoon lahaa oo qol dhex yaala waan qoslay waayo bari horaa iigu danbaysay kabacdi dhinacii kalaan uga baxay guriga qol dayrka ku dhexyaalay ayaa dad iisoo galay khudaar ka buuxday siisiinayay khudaar taasi oo kala nooc nooc ah avocado, mango ,babay iyo noocyo kale lkn aad u waawayn
dadkii baan u qaybiyay khadaartaasi
gurigu waxuu ahaa mid aad u wayn oo darkiisa dhir badani ka dhex baxday oo wada green ah waxaana dhextaalay baabuur cad cad
waxaan ku tashaday inaan quraan ku akhriyo 30 juzz intaanan usoo guurin maadaamoon lagalin ama cidi daganayn mudo
waxaanu ahaa guri aad u qurux badan oo dhalaalaya
Allah mahadle.

Riyada guri wayn wada dhir ah oo qadiimi ah
Riyada guri wayn wada dhir ah oo qadiimi ah

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa isbadalka noloshaada lasoo gudboonaanayo, guriga wuxuu matalayaa xaalada cusub aad gali doonto, cuntada iyo qudaarta meesha taallana waa nimcada Ilaahay uu ku siin doono.

Riayada waa riyo la mid ah riyooyinkaaga badan aad noo soo qortay, riyada marka ay qofka ku soo noqnoqonaysa waa riyo xaq ah oo run ah oo furmi doonto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More